Labada Madaxweyne ayaa la filayaa in ay ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarada laga sameeyo dhinaca ammaanka ee dalka Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya.

Dalalka Koonfur Afrika iyo Kenya oo si weyn ugu ololeeya dhinaca dhismaha Nabadda ee Qaaradda Afrika ayaa la filayaa in ay si weyn u lafo guraan sidii loo xoojin laha dhinaca nabad gelyada ee dallka Soomaaliya iyo Sudaanta Koonfureed.

Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo kumanaan Askari oo qeyb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha kenya Uhuru Kenyatta ayaa hore u sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uu kala shaqeyn doono dhinaca amniga iyo la dagaalanka Xarakada Al Shabaab