Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweyn heer maamuus dhaqan loogu sameeyay Qardho

0
Wednesday January 10, 2018 - 23:35:40 in Wararka by
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo soo dhoweyn heer maamuus dhaqan loogu sameeyay Qardho

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Qardha, halkaasoo uu maanta ku tagay safar dhanka lugta ah, waxaa Madaxweynaha wehliyay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo mas'uuliyiin kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Qardha, halkaasoo uu maanta ku tagay safar dhanka lugta ah, waxaa Madaxweynaha wehliyay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo mas'uuliyiin kale

Madaxweyne Farmaajo ayaa hab maamuus dhaqan heerkeedu sareysay loo sameeyay, iyadoo Boqor Beelaha Daarood, Boqor Burhaan ayaa guddoonsiiyay biladm shaal, koofiyad iyo faras, taas oo ah maamuus dhaqan.

Kumanaan dadweyne ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay taagnaayeen waddooyinka, iyadoo Madaxweynuhu uu dadka dhex galay, isla markaana qaarkood gacan qaaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka reer Qardho kula hadlay Madaxtooyada Qardho, waxaana uu uga mahad celiyay sidii loo soo dhoweeyay.

Safarka Qardho ayaa ah lugta labaad ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu wadaa inuu u gudbo magaalada Boosaaso.

Soo dhoweynta Madaxweynaha
4of 8
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip