Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan ee loo sameeyay, isagoo sheegay in inta uu ku sugan yahay dalka kuwait uu kulamo la qaadan doona madaxda sare dalkaasi iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaasio.

Dhinaca kale Wasiir Jamaal Maxmaed Xasan, ayaa waxa uu kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Dhaqaalaha ee (kuwait Fund). Mudnae Abdul Wahab Albadir, waxaana wasiirka uu warbixin uu ka siiyey horumarka Soomaaliya ay sameeyneyso iyo dadaalada hadda socda, siddii ay uga qeyb qaadan lahayd dowladda Kuwait oo soomaaliya xariir wanaagsan kala dhaxeeyo.

Agaasimaha Sanduuqa Dhaqaalaha Dowladda Kuwait, Mudane Abdul Wahab Albadir, ayaa waxuu boggaadiyay Horumarka ka socda dalka soomaaliya, waxuuna sheegay in Kuwait door wanaagsan ay ka qaadan doonta taageerada dowladda Somaaliya iyo shacabkeeda.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa wax ay ka qeybgali doonaan shirka Wasiiirada qorsheynta Dowladdaha Carbeed oo maalinta bari ah ka furmi doona dalkaasi.