Hooyo Gaajo Darteed Ugu Geeriyootay Magaaladda Muqdisho +Dhageyso

0
Wednesday January 10, 2018 - 19:40:10 in Wararka by
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo Gaajo Darteed Ugu Geeriyootay Magaaladda Muqdisho +Dhageyso

    Haweeney kamid aheyd dadkii kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay Goboladda Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa gaajo darteed ugu geeriyootay mid kamid Xiryaha barakacayaasha Degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweeney kamid aheyd dadkii kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay Goboladda Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa gaajo darteed ugu geeriyootay mid kamid Xiryaha barakacayaasha Degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa sheegay in haweeneydaan ay geeriyootay iyadoo xaawo guranaysay, islamarkaana meydkeeda uu yaalo xiro barakac oo ku taala degmadda kaxda.

"Haweeney kamid aheyd dadka barakacaasha ah ayaa saakay ku geeriyooday kaam barakac oo ku yaala Degmadda Kaxda ee gobolka banaadir,waxay geeriyootay iyadoo xaawo guranaysa, waxaa la sheegay in aysan 3-maalin waxba cunin,runtii dhibaato badan ayay ku nool yihiin dadkaan”, ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Xiradda ay Haweeney ku geeriyootay ayaa waxaa gaaray taliyaha Nabad Sugida iyo Taliyaha Booliska Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmadda kuwaasi oo qaban qaabinaya aas-ka Haweeneyda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip