Mahiigaan iyo dhul soo go'ay oo 13 ruux ku dilay California

0
Wednesday January 10, 2018 - 11:29:37 in Wararka by
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahiigaan iyo dhul soo go'ay oo 13 ruux ku dilay California

    Daadad iyo dhul go'ay ayaa saameeyay deegaannadii uu burburiyay dabkii kaymaha ka soo kacay bishii hore, waxayna gooyeen in kabdan 30km oo ka mid ah jidka wayn ee halbawlaha u ah xeebta gobolka California ee dalka Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daadad iyo dhul go'ay ayaa saameeyay deegaannadii uu burburiyay dabkii kaymaha ka soo kacay bishii hore, waxayna gooyeen in kabdan 30km oo ka mid ah jidka wayn ee halbawlaha u ah xeebta gobolka California ee dalka Maraykanka.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in ay jiraan tiro dad ah oo aan wali meelna lagu ogayn, waxyna rajaynayaan in dhimashadu ay intaas ka sii korodho.

Kumannaan dad ah ayaa daadadka ka firxaday, ilaa 50 hawlgal oo samato bixin ahna ayaana la sameeyay.

Goobaha ay dhibaatada ugu badan ka dhacay waa kuwii aan daad guraynta laga samaynin, sida ay saraakiishu sheegeen.

Roobab mahiigaanno ah ayaa sababay in dhiiqo ay ku rogmato Montecito, guryaha qaarkoodna waxaa u soo ruqay aas aaskii, sida uu sheegay Mike Eliason oo ah afhayeenka waaxda dabdamiska ee deegaanka Barbara County.

Dhagaxaan la eg gawaarida yaryar ayaa ka soo daatay buuraha hareerahooda waxayna jareen waddooyinka, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC ee Los Angeles James Cook.

Dadka goobaha ammaanka ah loo daad gureeyay waxaa ka mid ah gabadh 14 jir ah oo saacado ku go’doon sanayd gurigooda oo mahiigaan ku da’ay.

Waaxda dabdamiska ayaa soo bandhigay sawirka gabadha oo ay dhiiqo ka saarayaan sidaasna ku badbaadiyeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip