Saldhigyada ruushka ku leeyahay Syria oo la weeraray

0
Tuesday January 09, 2018 - 12:40:38 in Wararka by
  • Visits: 336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyada ruushka ku leeyahay Syria oo la weeraray

    Wasaarada Gaashaandhiga ee Ruushka ayaa xaqiijisay in kooxaha mintidiinta Suuriya ay u isticmaaleen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn weerar ay ku qaadeen Saldhigyadooda ciidamada cirka iyo kuwa badda ee Suuriya ku yaalla.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Gaashaandhiga ee Ruushka ayaa xaqiijisay in kooxaha mintidiinta Suuriya ay u isticmaaleen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn weerar ay ku qaadeen Saldhigyadooda ciidamada cirka iyo kuwa badda ee Suuriya ku yaalla.

Wasaarada ayaa sheegtay in wax khasaaro ah uusan ka dhalan weerarada lagu qaaday saldhigyadaasi.

Saldhigyada Ruushka ee la weeraray kuna yaalla Suuriya ayaa lagu kala magacaabaa Hmeimim iyo Tartus.

Saldhigga Hmeimim ayaa muhiim u ahaa dagaalka ay Ruushka gacanta ku siinayaan madaxwayne Assad.

Xukuumadda Moscow ayaa horey u sheegtay in hoobiyayaal lagu weeraray saldhigaasi bilowgii sanadkan ay ku dhinteen laba askari.

Dowladda Ruushka ayaa gacan ka siisay xukuumadda Assad sidii ay dib ugu qabsan lahayd goobaha ay mucaaradka haysteen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip