Fiqi oo ka digay in Nabad Suggida dano gaar ah loo adeegsado

0
Tuesday January 09, 2018 - 12:34:00 in Wararka by
  • Visits: 316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fiqi oo ka digay in Nabad Suggida dano gaar ah loo adeegsado

    Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa wuxuu ka digay in Hay'adda Nabad Suggida Somaliya loo adeegsado dano shaqsiyadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa wuxuu ka digay in Hay'adda Nabad Suggida Somaliya loo adeegsado dano shaqsiyadeed.

Hadalkaan ayaa Xildhibaanka wuxuu ku soo qoray Bartiisa gaarka ah ee xiriirka Bulshada, isaga oo u hambalyeynaayay Hay’adda Nabad Suggida Somaliya oo xalay u dabaaldegtay 48-sano guuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay.

Fiqi wuxuu sheegay magaca wanaagsan ee Hay’adda NISA inay muhiim tahay sharaftiisa in la ilaaliyo, islamarkaana aanan laga dhigin ciidanka NISA, kuwa shaqsiyaad dowladda ka tirsan u adeega.

"Sumcad, magac wanaagsan & mas’uuliyad ayey hey’adani umaddu ku baratay, waxaana bogaadinayaa shaqaalaheeda kala duwan oo si xirfadaysan shaqadooda u qabsada, waana waajib in magacaas wanaagsan la dhowro oo aan hey’addan laga dhigin mid dad dawladda xilal ka haya oo dano gaar ah leh ay ku shaqeystaan ama gacmaha u galiyaan dhiig iyo magac xumo taariikhdeeda daba socda .” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Nabad Suggida Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa lagu eedeynaayay inay fulinaysay dano gaar ah, iyadoo awaamiirta ka qaadanaysa masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa weeraray 18-kii Bishii December ee 2017-kii guriga C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo ah Siyaasi ku nool Magaalada Muqdisho, waxayna halkaasi ku dileen Afar askari oo ka tirsan ciidamadii illaalada u ahaa C/raxmaan C/Shakuur.

xigasho:-dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip