Siyaasiyiiney,is rux ruxa ama Dowladda Carbeed ha idin rux ruxaanee, shacabka rux ruxida ka dhaafa=NASASHADA JIMCAHA.Q-77aaad.=

0
Friday January 05, 2018 - 21:06:20 in Wararka by
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiiney,is rux ruxa ama Dowladda Carbeed ha idin rux ruxaanee, shacabka rux ruxida ka dhaafa=NASASHADA JIMCAHA.Q-77aaad.=

    1-Oday Cabdulle ayaa Gabadhiisii Boondheere lagu mehriyay, lix wiil oo Swedan ka timid oo xafladda ka soo qayb galay oo isku dhinac fadhiyay,ayuu ku yiri: Noo duceeyaa adinkaa Xaj iyo cimra ka yimide.kkkk.(Oday Cabdulle waxaa khalday lixduba madaxey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Oday Cabdulle ayaa Gabadhiisii Boondheere lagu mehriyay, lix wiil oo Swedan ka timid oo xafladda ka soo qayb galay oo isku dhinac fadhiyay,ayuu ku yiri: Noo duceeyaa adinkaa Xaj iyo cimra ka yimide.kkkk.(Oday Cabdulle waxaa khalday lixduba madaxey ka wada xiirnaayeen).(Fiiri: Sawirka 1aad).

Sheekhii wax mehrinayay ayaa yiri: Waxaa tihiin Shuhuudii Nikaaxa, Ducadda qofna idiinma wakiilan, haddana kii duceyn waaya 2000$ ayaa lagu ganaaxayaa.

2- Koo shaqa la’aanu ku wareerisay Qurbaha. Ayaa Baraha bulshada ku soo qoray ,haddaad rabto in aad faqriga ka baxdo, Account –gaa ku soo shub hal Dollar. Dad badan oo hanti in ay helaan u jadbeeysnaa ayaa ku soo shubay, dhowr Milyan ayaa ugu soo dhacday account-kii ,Taajir ayuuna noqday. Kadibna Baraha Bulshada ayuu ugu soo qoray sidaas ayaa Taajir lagu noqdaa!.
Dadkii ayaa dacweeyay,Qaaligii ayaa yiri: Dadkan wax heshiis ah ma kala qorateen? Wuxuuna ku jawaabay: MAYA .(Fiiri Sawirka 2-aad) .
(Waxaan maqlaa Hal doolar soo tuure si dadka wax loogu qabto adiguna Aakhiro iyo Aduun aad ku Liibaantide, Ma iska wada aamintay dadkaa, horta heshiis ma kala qorateen?)

3-Nin Maareeye ahaa ayaa Gabadhii xogheeynta u ahayd ku yiri: Is diyaari hal usbuuc oo shaqo ah ayaan dalka dibadiisa ugu baxeynaa kuna soo dalxiiseeynaa. kadibna ninkeedii ayey u sheegtay inay Safar shaqo oo hal usbuuc ah u baxeyso.

Ninkii ayaa wacay Gabar Macallimad ahayd oo ay saaxiiba ahaayeen una sheegay in xaaskiisu baxeyso, ayna helayaan hal isbuuc oo ay waqti isla qaataan.Macalimaddii ayaa wacday wiil yar oo ay Guriga Aabihii wax ku bari jirtay,una sheegtay inay Hal usbuuc fasaxday.

Wiilkii ayaa wacay Aabahii (Maareeyaha) Wuxuuna Ka Codsaday Inuu Usbuuc Wakhti la Qaato, Maadaama Macallimadu Fasaxday, Aabihiina waa ka aqbalay.

Maareeyihii ayaa wacay xogheeyntii una sheegay inuu safarkii baaqday, iyana waxay wacday ninkeedii uuna sheegaty inuu safarkii baaqday,ninkii ayaa wacay macallimadii una sheegay in xaaskiisii safarkii ka baaqatay. Macallimaddii ayaa wacday Ardaygii una sheegtay,inay firaaqa leedahay casharadiina uu u soo diyaar garoobo.wiilkii ayaa wacay Aabahii una sheegay in macalimadii u yeertay casharadiina ay u sii socon doonaan.

( Hala dhowro Xirrika is dhaxgaka bulshada,kkkkkkk)

4-Nin cabtooya oo caba khamriga Calaqa ah ee gudaha dalka lagu farsameeyo ayaa shaxaad u tagay guriga xildhibaanka oo tolkiisii ku shirayaan. Xildhibaankii ayaa yiri: Qaraaboy haddii ninkaani iska dhaafo khamriga waxaan siinayaa 3.000$.ninkii cabtooyda ahaa waa aqbalay.(Fiiri Sawirka 3-aad).

Bil kadib ayuu tagay gurigii xildhibaanka oo ay ku shirayaan Tolkii, isaga oo nadaafadi ka muuqato, si wanaagsanna u soo labistay.xildhibaankii ayaa siiyay 3.000$.Ex- cabtooy lacagtii ayuu u dhiibay Nabadoonkii Tolka, wuxuuna ku yiri: Qaraaboy lacagtaan siiya xildhibaanka hadduu iska dhaafo,khamrada original-ka ah iyo Salaadda uu jimcaha & Ciidaha oo kaliya Tukanayo.

( Dhaarta iyo Cibaadada Siyaasiga Somaaliyeed!!!!!!…Ceebta ALLA ha asturo).

5- Oday Reer Xamar weyne ahaa ayaa waxaa baaday nin mooryaan ah uguna hanjabay inuu dilayo.Odaygii ayaa ku yiri: illahey aa jooga Aakhira leen kugu sugaa. Mooryaankii ayaa ku yiri: Armeey kuu roontahay inaad iska key cafiso, intaan Safku kugu dheeraan, kuwa badan aa kaa sii horeeya oo halkaa igu sugaya.

( Nin maskiin ahaa oo Booskii uu Xamar ku lahaa,uuna degenaa xoog looga kiciyay, ayaa ku yiri mas’uulkii dhul boobka: Aakhiraa Booskeyga dhabarka lagaa saaraa. Masuulkii ayaa ku yiri: Hal boos ayaad ka hadlee, Xaafad dhaan ayaa dhabarkeygu sugaa Qiyaamaha). (Fiiri Sawirka 4& 5aad).

6- Single Mother, ninkeeda quraac uu ka dalbaday u diyaarinee, ayaa qof ka soo wacay Ameerica una sheegay in la Furay.

kadibna iyada iyo wiilkeedii yaraa ayaa qol yar ka degay London, nin kale ayeyna iska qudba sireysaty, Ninku wuxuu u yimaad marka wiilkeedu seexdo, sariirta ayuuna dhinac ka soo seexdaa.

Wiilkii yaraa ayaa ku yiri: Hooyo sariirta yaa nagu rux ruxayo? waxay ku tiri: Anigaa na ruxaya. Wiilkii ayaa ku yiri: Adigana yaa ku rux ruxaya?,. waxay ku tiri: an lee is rux ruxaya.
Wiilkii ayaa ku yiri: Markaan Hooyo is rux ruxidu saa’id ayey noqotay ee is rux rux ama ha lagu ruxee aniga ruxida iga dhaafa. ( fiiri Sawirka 6aad).

(Siyaasiyiiney,is rux ruxa ama Dowladda Carbeed ha idin rux ruxaanee, shacabka rux ruxida ka dhaafa).

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip