Imaaraadka oo ku Fashilmay Weerarkii Shirqool-Siyaasadeedka ahaa!

0
Tuesday January 02, 2018 - 11:48:56 in Wararka by
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraadka oo ku Fashilmay Weerarkii Shirqool-Siyaasadeedka ahaa!

    HORDHAC/GOGOL-DHIG Alla ayay mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Alla ha yeelo. AFEEF Ugu horeyn; waxaan rabaa in aan cadeeyo in qoraalkan aan ku saleeynayo taleefankii uu Taliyaha NISA ee gobo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HORDHAC/GOGOL-DHIG Alla ayay mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Alla ha yeelo. AFEEF Ugu horeyn; waxaan rabaa in aan cadeeyo in qoraalkan aan ku saleeynayo taleefankii uu Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir ugu sheegay senator Cabdi Qeybdiid, in ciidanka soo weeraray ay yihiin: "Ciidamo Imaaraatka soo tababareen"

sidaCabdiQeybdiidba shirkiisii-Jaraa’id ku sheegay, iyo guud ahaan aqrinteyda iyo fahamkeeyga waxaa socda, iyo jawiga siyaasadeedka ka jira. Waxaana jiri doona baaritaan dowladeed, kaa soo laga yaabe in shacabka lala wadaago waxa ka soo baxa, ama qeyb ka mid ah oo kaliya, iyadoo la ilaalinayo danaha Qaranka Soomaaliyeed, ileyn siyaasada laguma maareeyo shucuure "emotions”. Waxaa lagayaabaa in dowladu si hoose dagaal is difaacid ah, oo aan la iclaamin ugu qaado Imaaraatka.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa in dowladu tixgaliso, waxa ka dhalan kara iyo sida"Qaran-Dumiska” uga faa’ideeysan karo Imaaraadka oo dagaal siyaasadeed oo kor loo sheego (Public), iyadoo dhaqaalaha Soomaaliyeed ee ugu badan Imaaraadka xoogiisu yaallo, kuwaas oo ah shirkadaha ugu waweyn, oo kuwa Xawaaladuhu ku jiraan, wax bandanna inooga xeran yihiin, maadaama xarumahooda ugu waaweyn (Headquarters ) Imaaraadka yihiin, iyo xaalada burburka soo kabasho ee aan kujirno intaba.

Intaa kabacdi aqristoow! Caqliga EEBE wuxuu inoo siiyey in aan ku fikirnee, hadii dowladu weerareyso Senator Cabdi Qeybdiid oo ah gudoomiyaha guddiga dib-u-eegista Dastuurka,oo xasaanad Dastuuri ah leh, maxey u codsaneysey in xasaanada marka hore laga qaado laba Xildhibaan, oo aan sida Qeybdiid loo yaqaan oo kale loo aqoon? Wax baa khaldan ee yaan dowlada lagu fududaan marka!.

Weerarkii maalintii Sabtida,Taariikhduna ku beegneyd December 30,2017-ka ee kadhacay guriga senator Cabdi X.C.Qeybdiid isaga oo aan joogin, kaasoo ay geysteen ciidamada Imaaraadka soo tababaray, ee aan amar dowlada Soomaaliya ah ku socon, sida la tuhunsan yahay wuxuu ahaa shirqool Siyaasadeed oo Imaaraadka maleegay, balse nasiib wanaag! Ka fashilmay. Waase Alle mahadiis in dowladu horay ka fahamtay, degdegna uga hadashay oo uga jawaab bixisay.

Waxaa deg deg uga hadlay, sharci daro ku tilmaamay, in la baaro kuwii ka dambeeyayna sharciga la horkeeno amar ku bixiyey madax uu ugu horeeyay Madaxweynaha Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Xasan Cali Kheyre, wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow, taliyaha ciidamada Qalabka sida Gen. Cabdiweli Gorod, gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqqdisho Thaabit Cabdi…IWM.

Muxuu ahaa Hadafka weerarkaa laga lahaa?

Sida loo fasiran karo hadafka Imaaraadku ka lahaay weerarkaa wuxuu ahaa:

A-In dowlada iyo labada aqal ee Baarlamaanka la isku diro, iyadoo loo dirayo fariin ah, in xitaa xasaanadooda aysan dowlada ku dhowreyn dhaamaantood, taasoo micnaheedu noqonayo, in mid kastoo iyaga ka mid ah in laweerari karo, sidaa daraadeedna tahay in ay mooshin Imaaraadka ka dhex wado ay wada saxiixaan, lacagtoodana qaataan, dowladana la ridaan Imaaraadka.Ogoow! Labada aqal waa meelaha ay mooshinnada lacagaha ku bixineyso kawado Imaaraadka, illaa iyo hadana lacagihii shaqeyn la’yihiin.

B-Wuxuu sidoo kale hadafku ahaa in "Beel gaar ah” lagu kiciyo Dowladda, maadaama Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ay Qeybdiid isku beel yihiin, weerarkiisiina dowladu qaaday, balse C/Raxmaan C.Shakuur aanu lahayn wax xasaanad ah, maadaama aanu ku jirin labada aqal midkoodna, waxaa fariinta weerarkan lagu gudbinayo larabay inay noqoto,"War xitaa kiinii xasaanada lahaa lama dhaafayo!”,taasoo caadifad kicin ah (emotional black mailing) in badan oo qabyaalada la jadbeysan ugu filnaan lahayd, si dowladaloogu furo qalalaase hor leh.

Nasiib wanaag! Dowladu way la fahamtay, tilaabooyinkii dowladnimo ee looga baahnaana wey qaaday, oo ah ugu horeyn inay ka hadasho, muujisana moowqifkeeda iyo sheegista tilaabada sharciga ah,ee xigta ee ay qaadi doonto, oo baaritaanka ugu horeeyo, iyo sharci la tiigsashada kuwa weerarkaa qaaday.

caalamka ma ka dhacdaa sidan oo kale?

Haa way ka dhacdaa Waa mushkiladaha lagu yaqaan ciidamada dalal shisheeye kuu soo tababaraan, oo aan dhaqan-celinda dalka gudihiisa lagu sameyn, sida dalalka qaarba sameeyaan, oo ay Pakistan ka mid tahay.

Waxaa jira wadan la dhaho Ecuador, caasimadiisuna tahay: Quito, kaasoo ku yaalla koofurta qaarada Ameerica (South America) kaasoo Mareeykanku ku lahaa saldhig weyn oo Military, kuwaasoo booliskooda uu Mareeykanka tababari jiray, wax kastoo qalabeyntooda ah, iyo waliba mushaaraadkoodana uu Mareeykanku bixin jiray, shirkado waaweyn oo Mareeykanka ahna iska dhuuqi jireen dhaqalaaha dalkaa. Waa siyaasad iyo xaalkeede wadankii iyo Mareeykanka ayaa isku dhacay, waliba iyadoo Madaxweyne uu ka yahay dhaqaale yahan shahaadada PhD-da uga soo qaatay isla dalka Mareeykanka, laguna magacaaboRafael Correa, oo dalkaa Madaxweyne ka ahaa 2007dii-illaa 2017-ka. Mareeykankawuxuu dabayaaqadii 2010-ka ka adeejiyey ciidaankii Booliska ee ay soo tababareen, qalalaase mudo socday illaamadaxweeynihii madaxtooyada loogu galay,oo lagu dhex afduubtay "afgambi” illaaMilitary-ga dalka soo badbaadiyeen, iyo xitaa shirqool dil oo wada fashilmay kabacdi, madaxweeyne Rafael Correa ugu dambeyn wuxuu la wareegay wax kasta oo Mareeykanku siin jiray ciidankaa Booliska. Wuxuuna diiday inuu u cusbooneeysiiyo sii joogitaanka ciidamadii Mareeykanka dalkiisa. Marka way dhacdaa oo taariikhda caalamka ayey ka buuxdaa, tani waa hal tusaale.

Ciidamada imaaraadku tababareen maxaa laga yeelayaa?

Ciidamo fara badan ayaa dalal kala duwan qarankeenu u soo tababareen duruufaheena darteed, balse waxay dhamaan ka amar qaataan dowlada loo wada dhan yahay ee Ummadeena Soomaaliyeed.

Dhowr mar ayaa hadalo ka soonoqdeen ciidamadan Imaaraatku tababareen cida ay ka amar qaadan doonaan. Illaa safiirka Imaaraadka xafladii qalin-jabintooda si cad u sheegay, inay dowlada Soomaaliya ka amar qaadan doonaan, isagoo dabcan guuxa jira markaa ka jawaabayey.

Weerarkii guriga C.XC Qeybdiidse wax badan ayuu ka fashiliyey Imaaraadka, nasiib wanaag! Iyadoon Senatorka gurigiisa joogin, dhimashana jirin, dowladana shirqoolka fashilmay hore ka fahamtay, soo qabatay saraakiishii iyo ciidankii weerarka geystey, madaxda dalkana Villa Soomaaliya ku qaabishay Qeybdiid, in bandanna gurigiisaba ugu tageen.Waa Alla mahadiis.

Tallo Soojeedin (Recommendations)

Waxaa dowlada la habooon inay ciidamadan Imaaraadku tababareen halista ka soo socota si deg deg ah uga hor tagto, iyadoo arimahan soo socda sameeyneysa, dabcan baaritaan hufan ka bacdi, iyo hadii ay cadaato ku lug lahaashaha Imaaraadka ciidamadan weerarka qaaday.

1-in ugu horeyn ay sharciga si xoogan (To the full force of the law) ula tiigsato taliyihii ciidankaa watay, iyo guud ahaan ciidankii weerarkan geystay, kadib marka lagu cadeeyo.

2-Inay ciidankaa Imaaraadka soo tababartay ama ciidamo kala duwan ku kala darto, ama taliyayaal aaney Imaaraadka soo tababarin u kala dhiibto, xerooyin kalena u rarto.

3-Wax kastoo taakuleyn ah oo Imaaraadku siin jireen laga jaro, hadii gudaha laga bixin karana gudaha laga bixiyo, hadii awoodu diidanaTurkiga looga raadiyo taakuleyn sababeysan.

4-Waxay soo wadaan ayaa ka daranee waa in la qaado tillaabo kastoo lagu yareyn karo ama gabi ahaanba lagu jari karo saameynta Imaaraatku ku yeelan karaan kuwii horay u soo tababareen.

5-Waa in dowladu gabi ahaanba joojisaa wax kaloo tababaris ciidamo hor leh oo Imaaraadku inoo tababarayaan, waa hadii baaritaan ka bacdi cadaato lugta ay ku lahaayeen weerarkii dhacay.WabillaahiToowfiiq.

Qoraa: C/QaadirMaxamedCismaan (Cabdiboqor).Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa.Al-Madinah International University.abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip