AKHRISO: Q/1-aad dhacdooyinkii ugu waa weynaa Soomaaliya 2017

0
Monday January 01, 2018 - 11:33:37 in Wararka by
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO: Q/1-aad dhacdooyinkii ugu waa weynaa Soomaaliya 2017

    Akhristiyaasheena sharafta leh ee ku xiran Page-kaRadiorisaala.comamaRisaala.net,waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa dhacdooyinkii ugu waa weynee ee Soomaaliya sanadkii tagay 2017. maanta waa weybta 1-aad Saddexda bil ee kala ah January, February

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhristiyaasheena sharafta leh ee ku xiran Page-kaRadiorisaala.comamaRisaala.net,waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa dhacdooyinkii ugu waa weynee ee Soomaaliya sanadkii tagay 2017. maanta waa weybta 1-aad Saddexda bil ee kala ah January, February iyo March ayaan idin soo diyaarinay. JANAAYO Janaayo, 02, 2017-Qaraxyo iyo Weerar toos ah ayaa lagu qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa kuwa loo adeegsaday gadiid walxaha qaraxa lagu soo raray ayaa kan hore lagu weeraray barkootarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ee ka howlgala ilaalinta howlaha garoonka diyaaradaha.

Qaraxa labaad ayaa lagu weeraray wadada u dhaxeysa garoonka diyaaradaha dhinaca albaabadaMadiino Gate iyo hotelka PEACE.

Janaayo,05,2017–Madaxweynihii Hore Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka xarunta KMG ah Aqalka Sare ee Barlamaanka, iyadoo dhanka kale uu furay Kalfadhigii koowaad ee Aqalka Sare.

Janaayo, 10, 2017-xildhibaannada Galmudug ayaa kalsoonidii kala laabtay

madaxweynahii dowlad gobolleedka Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed, Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Xareed Cali Xareed, waxaana cod kalsoonida kala laabtay madaxweynaha 54 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 89 xildhibaan.

Janaayo, 11. 2017Waxaa dalka ka dhacday doorashada Guddoonka Golaha shacabka waxaana la soo gabagabeeyay tirada codadka wareegii koowaad ee doorashada oo ay ku tartamayeen ilaa afar musharax.

Wareegii hore waxaa doorashada ku tartamay Prof Max’ed Cismaan Jawaari, xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig, C/fitaax Max’ed Geeseey iyo Idir Cabdi Dhatar.

Guud ahaan tirada codeysay ayaa ahaa 259, halka labo cod oo ka mid ah ay xumaadeen.

Hadaba waxaa ay musharixiinta codadka u kala helleen sidan :

Pror Max’ed Cismaan Jawaari [141 cod]

C/rashiid Max’ed Xidig [ 97 cod ]

C/fitaax Max’ed Ibraahim Geeseey [17 cod]

Idir Aadan Dhakhtar [2 cod]

22- Janaayo,20017Senator Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa ku guuleystay doorashada gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya.

Xildhibaanada codeeyay ayaa 52-xubnood ahaa. cabdi xaashi wuxuu helay 43 ka mid ah codadkii la dhiibtay, halka xildhibaanka la tartamaayay ee Mustaf Qodax na uu helay sagaal cod oo keli ah.

Senator Abshir Bukhaari ayaa helay 30 cod, halka Cabdi Axmed Dhuxulow uu helay 22 cod, iyadoo tirada codeynaysay ay ahaayeen 52 xildhibaan.

Janaayo, 25, 2017Qaraxyo iyo Weerar toos ah oo lagu qaaday Hoteelka Dayax ee Muqdisho waxaa ku dhintay ku dhawaad 30 qof oo isugu jiray odayaal dhaqameed Xildhibaano ka soo jeeda Koonfurgalbeed iyo dad shacab ah.

FEBRAAYO

Arbaco, Feberaayo,01, 2017–Kooxda Daacish ayaa maydka seddex askari oo ka tirsan ciidamada Puntland soo dhigtay jidka dheer ee isku xira degmada Qandala iyo Bosaaso ,waxaana sida la sheegay askartan ay ahayeen kuwa la gowracay.

Askartan ayaa ku jiray dad kooxda Daacish ay ka afduubatay Qandala xilli ay ku soo jeedeen magaalada Bosaaso.

Feberaayo, 02, 2017 –Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, ayaa aqbashay inay dhageysato dacwadda Soomaaliya ay gudbisay ee ku saabsaneyd muranka badda ee Soomaaliya iyo kenya u dhaxeeysa.

Soomaaliya ayaa horay ugu gacan seyrtay soo jeedintii Kenya ee ahayd in heshiiska Is-afgaradka uu yahay mid suurtagelin karta inay labada dal ku heshiiyaan xadeynta badda.

Feberaayo, 08, 2017 –waxaan dalka ka dhacay doorashada madaxweynaha Somalia oo ay u tartameyn murashaxiin badan waxaan ku guuleystay Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii uu wareegii saddexaad ka tanaasulay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud.

Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegii labaad ku soo baxay 184, hasse ahaatee markii loo diyaar garoobay wareegii saddexaad ayaa waxaa ka tanaasulay doorashada Xassan Sheekh Max’uud oo helay codad dhan 97, halka Shariif Sheekh Axmed uu helay 46 cod.

Feberaayo,18, 2017–Waxaa lagu dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho afhayeenkii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey.

Feberaayo, 19, 2017-Ugu yaraan 35 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeryoodeen qarax sababay gaari ay saarnaayeen waxyaabo qarax oo ka dhacay, suuq yar oo aad u mashquul badan oo ku yeela degmadda wadajir ee gobolka Banaadir, salaadii duhur ka dib.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa ku sugnaa, dad u badnaa ganacsatada suuqa, waxaana suuqa uu ku dhowyahay isgoyska "Kaawa-Godey”.

Feberaayo, 22, 2017-waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday munaasabad lagu caleemo saaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Feberaayo, 23, 2017-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa Ra’isulwasaaraha dowladda Soomaliya u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ahaa qurbajoog aan lagu aqoon siyaasadda laakiin la shaqeenayay hay’ado samafal oo caalami ah.

MAARSO

Marso, 01, 2017 Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cod akhlabiyad ah ku ogolaaday ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo hortagay fadhigii baarlamaanka.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 231 Xildhibaan ayaa lagu dhamaantood codka kalsoonida siiyeen.

Maaro, 04, 2017 Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah uga mid noqday Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii loo dhaariyay xubinimaddiisa Barlamaanka.

Dastuurka Soomaaliya ayaa qeexaya in siyaasigii dalka Madaxweyne ka noqda, in uu si sharci ah u heli karo, xubin ahaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Maarso, 07, 2017–Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antnio Guterres, ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdishu.

Ujeedka socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in ay tahay arrimaha Abaaraha Soomaaliya.

Maarso, 12, 2017 –Mid ka mid ah howlwadeenada ama shaqaalaha Tvga Universal oo lagu magacaabo C/Xamiid Karasaay ayaa ku dhawaacay qarax loogu xiray gaarigiisa degmada Xamar –weyne ee gobolka Banaadir.

Maarso, 21, 2017– Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay xubnaha gollaha wasiirada xukuumada cusub ee Soomaaliya oo ka kooban 26 wasiir, 26 wasiir ku-xigeen,15 wasiiru-dowle iyo hal ra’iisal wasaare ku-xigeen.

Maarso, 21, 2017-Ugu yaraan toban ruux, ayaa ku geeryootay halka labaatameeyo kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax loo adeegsaday gaari uu ka dhacay, inta u dhaxeysa Guriga Hooyooyinka iyo dhismaha Tiyaatarka Qaranka.

Maarso, 29, 2017–Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya, ayaa ansixiyay golaha wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre.

C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo ah Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka, oo uu shir gudoominayay kullanka Baarlamaanka.

1- Tirada Xildhibaanada Aqbashay: 224 Xildhibaan

2- Waxaa diiday: 15 Xildhibaan

3- Waxaa ka aamusay : 2 Xildhibaan.

W/D:- Rijaal Abdi Mohamed





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip