Cristiano Ronaldo oo sedex dalab weydiistay Real Madrid inay bisha Janaayo hirgaliso

0
Sunday December 31, 2017 - 18:00:22 in Wararka by
  • Visits: 622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo oo sedex dalab weydiistay Real Madrid inay bisha Janaayo hirgaliso

    Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay in kooxdiisa Real Madrid sedex dalab usoo jeediyay in bisha Janaayo la hirgaliyo si kooxda awoodeeda dib loo soo celiyo isagana gool dhalintiisa usoo laabato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay in kooxdiisa Real Madrid sedex dalab usoo jeediyay in bisha Janaayo la hirgaliyo si kooxda awoodeeda dib loo soo celiyo isagana gool dhalintiisa usoo laabato.

Ronaldo marka kowaad wuxuu dalbaday in Jamez Rodriguez kooxda dib loogu soo celiyo kaasi oo haatan amaah kula joogo naadiga Bayern Munich.

Sidoo kale Ronaldo wuxuu macalin Zidane iyo madaxweyne Perez u sheegay inuu u baahan yahay cayaaryahan aad u tayo wanaagsan oo garbaha ka duulo kaasi oo kubado badan isaga u keeni karo si gool dhalintiisii faraha badneyd dib ugu soo ceshto.



Ugu dambeyntii Ronaldo wuxuu doonayaa bisha Janaayo Madrid la keeno daafac awood badan ooSergio Ramos ka garab cayaari karo dibna usoo celiyo xasiloonida difaaca kooxda.

Waxaa la wada dhowri doonaa sida dalabyada Ronaldo soo jeediyay maamulka Real Madrid kaga jawaab celin doonaan inta bisha Janaayo suuqa Yurub furnaan doono.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip