Sawirradii ugu cajiibsanaa ee duurjoogta laga qaaday sanadka 2017-ka

0
Thursday December 28, 2017 - 23:32:42 in Wararka by
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirradii ugu cajiibsanaa ee duurjoogta laga qaaday sanadka 2017-ka

    Xayawaanka madax kutiga ee badda ku nool oo aad u faraxsan ayaa sawir lala heley, wuxuuna ka mid noqday sawirrada sanadkan ku guuleystay abaalmarinta sawirrada majaajilada ee loo yaqaano Comedy Wildlife Photography Awards. Sawirrada badankood ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayawaanka madax kutiga ee badda ku nool oo aad u faraxsan ayaa sawir lala heley, wuxuuna ka mid noqday sawirrada sanadkan ku guuleystay abaalmarinta sawirrada majaajilada ee loo yaqaano Comedy Wildlife Photography Awards. Sawirrada badankood ayaa waxa ay muujinayaan nooleyaal kala duwan oo samaynaya falal aysan dadka inta badan ku arkin iyaga oo samaynaya. Shan ka mid ah sawirradaas oo kaliya ayaa abaalmarinta heley, balse waxaa jiray kuwa kale oo badan oo u qalmay in ay tartanka soo galaan.

Madax kuti faraxsanLahaanshaha sawirkaPENNY PALMER/ BARCROFT IMAGES

Image caption   Madax kuti faraxsan



Waxaa sawirrada guuleystay ka mid ah guumeys inta laantii ay saarnayd ka fakatay, isku dayaysa in ay dib u korto.

GuumeysLahaanshaha sawirkaTIBOR KERCZ/ BARCROFT IMAGES
Image captionSawirkan waxaa qaaday Tibor Kercz waxaana loogu magacdaray 'i caawi'

Sawir qaade Tibor Kercz waxaa la siiyay koob gacanta uu ku sameeyeen dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo ku nool Tanzania, iyo qalab dheeraad ah oo kaamirada ka caawiya.

Waxaa kale oo abaalmarinta heley sawir qaade Andrea Zampatti oo dalka Kenya ku sawiray nooc ka mid ah dabangaalaha (uun reys) aad u qoslaya, sawirkaas oo sidoo kale aad ugu baahay baraha bulshada.

Dabangaale (uunreys)Lahaanshaha sawirkaANDREA ZAMPATTI /BARCROFT IMAGES
Image captionDabangaale (uunreys)

Inkasta oo badda ay aad u guda weyntahay, haddane sawirka oo laga qaaday badda dhexdeeda ayaa waxa uu ka mid noqday kuwii lagu heley abaalmarinta.

Wuxuu muujinayaa kalluun weyn iyo qubo is garab lalaya.

Wuxuu muujinayaa kalluun weyn iyo qubo is garab lalaya.Lahaanshaha sawirkaTROY MAYNE/ BARCROFT IMAGES
Image caption Wuxuu muujinayaa kalluun weyn iyo qubo is garab lalaya.

Hawada lafteeda kama marnayn sawirrada laga qaaday ee abaalmarinta heley, waxaana abaalmarin heley sawir qaade John Threlfal oo qaaday sawirkan muujinaya shimbirro hor buubaya diyaarad hawada ku jirta.

ShimbirroLahaanshaha sawirkaJOHN THRELFAL/ BARCROFT MEDIA
Image caption Shimbirro

Waa kuwan sawirro kale oo soo galay tartanka balse aanan guuleysanin.

Shimbir sare-joog kaniisad kusii socotaLahaanshaha sawirkaCARL HENRY/ BARCROFT IMAGES
Image caption Shimbir sare-joog kaniisad kusii socota
Bakayle afka buuxsadayLahaanshaha sawirkaOLIVIER COLLE/ BARCROFT IMAGES
Image caption Bakayle afka buuxsaday
Madax kutiLahaanshaha sawirkaDAISY GILARDINI/ BARCROFT MEDIA
Image caption Madax kuti
Lo' gisiLahaanshaha sawirkaJEAN-JACQUES ALCALAY/ BARCROFT IMAGES
Image captionLo' gisi
Xayawaan badda laga heloLahaanshaha sawirka GEORGE CATHCART/ BARCROFT IMAGES
Image captionXayawaan badda laga helo
XIGASHO:-BBC
 

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip