HIIGSIGA WAA LAGU HOOGEY!!

0
Friday December 11, 2015 - 20:03:10 in Maqaallo by
  • Visits: 1378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HIIGSIGA WAA LAGU HOOGEY!!

    Soomalida inteeda badan waxay ku jah wareersan tahay waxa Hiigsigu yahay, haddaba waa maxay Hiigsiga la sheego iney Soomaliya Hiigsanayso Sanadka 2016-ka?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomalida inteeda badan waxay ku jah wareersan tahay waxa Hiigsigu yahay, haddaba waa maxay Hiigsiga la sheego iney Soomaliya Hiigsanayso Sanadka 2016-ka?. Hadda ka hor waxaan ka qaybgalay kulan ay qaar ka mid ah Saxafiyiinta Muqdisho la qaateen Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nick Key, mid ka mid Saxafiyiintii ayaa waxa uu waydiiyey Qarashaadkii loogu tala galay Horumarinta Saxaafada Soomaaliya halka ay ka baxday, Nick Key waxa uu yiri "yaa idinka mid ah oo yaqaana ama ii sharixi kara waxa la yiraaahdo New-deal ama Hiigsiga” midkeena ma garan macnaha New-deal, intuu qoslay buu yiri. "Sanadkan 2013-ka wixii ka horeeyey Dowlada Soomaaliya waxyaabaha ay qabanayso waxaa soo jeedin jirey Beesha Caalamka waana lagu koontarooli jirey, yacni waxaa la lahaa Sanadkan waxaa la idinka doonayaa inaad waxaas qabataan, laakiin hadda arrintu sidaas ma ahan oo hadda Dowladda Soomaaliya ayaa Hoggaanka la wareegtey oo waxa ay rabto ayey noo sheegaan innana waan ku caawinnaa, marka Dowladda Soomaaliya nooma soo gudbin in la hore mariyo ama qarashaad la siiyo Saxaafadda Soomaaliya, sidaas raaali ku ahaada”. Waxaa naga soo haray Aamusnaan.

Waa wax lagu farxo haddii Hindisaha ama wax curinta laga soo wareejiyo Beesha Caalamka laguna wareejiyo Soomaalida oo in badan Agoon ka ahayd arrimahaas, Todobaadkii la soo dhaafay waxaa Shir jaraa’id Muqdisho ku wada qabtay Wasiirka Qorshaynta Cabdiraxmaan Caynte iyo Wasiirka Arimaha Debedda ee Swedan Ms Isabella Lövin oo xubin fir-fircoon ka ah waxa loogu yeero Hiigsiga 2016-ka, Haweenayda Sweden ka socotay waxay amaantay Dowlada Soomaaliya talaabada ay hore u qaaday ee ku wajahan Hiigsiga 2016-ka waxayna intaas ku dartay iney arrimaha Soomaaliya uga danbayn doonaan Soomaalida. Mr Caynte ayaa hadalka qaatay wuxuuna yiri. "Dowladda Soomaaliya wax badan ayey ka qabatay Hiigsiga inta dhimmana waan ku dadaali doonaa intii karaan keen ah” Mr Caynte waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. "Hiigsiga dhaliillo ayuu leeyahay maaddaama aanay Soomaalidu wax badan ka qayb qaadan Hindisihiisa oo aanay wax la taaban karo ku lahayn”.

Hadallaaas ka kala yimid Nick Key iyo Caynte waa ay is burimayaan marka Soomaalidu ma taqaanno cidda saxsan iyo midda qaldan, waana in la ogaado halka sartu ka qurunsan tahay, iyadoo sidaasi jiro ayaa Ajandaha kaliya ee hadda laga maqlo Madaxda Dowladu waxa weeye waxa loogu yeero Hiigsiga oo aan macno ahaan si wanaagsan loo fahamsanayn.

Maalintii Talaadada waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gebagebeeyey kulan ku saabsan Hiigsiga iyadoo ay ka horeeyeen kuwo kale oo badan, mid kalena waxaa loo ballansan yahay Bisha Febraayo ee Sannadka Cusub ee soo aaddan, haddaba sidee ahayd Xaaladda Magaalada Maalintii Talaadada ee 8-da December. Mid ka mid ah dadka Muqdisho ayaa yiri. "Qarashka ku baxay Shirkii Shalay waxaa ka badan qarashaadka ku baaqday shacabka jeebabkiisa, sabatoo ah waxay lahayd saamayn wayn maadaama ay Waddooyin badani xirnaayeen oo ay aad u adkayd isu socodka dadka iyo Gaadiidka”.

Islaan Waayeel ah ayaa iyana tiri. "Hiigsiga waa lagu Hoogey oo Balaayo haku qaado, waxaan joogaa Xamar Wayne si aan yeelo ma aqaan, sababtoo ah Gaadiidkii Dadwaynaha ee Km4, waxaa Maanta lagu raacayaa 10-kun oo shilin halka markii hore loogu raacayey 3-kun oo shilin” waxaan waydiiyey Islaantaas sababta keentay arintaas, waxay tiri. "Kulankii Hiiigsiga ayaa ka socda Magaalada, waa wax naga yaabiyey, Gaadiidleyda waa loo garaabayaa sababtoo ah waxay ka soo wareegayaan Siinaay iyagoo doonaya KM4 iyo KM5”.

Nin kale oo maqlayey hadalka Islaantaas cataabaysa ayaa yiri. "dhibaatada maxa Muqdisho ku koobay? waxaa wanaagsanayd in dhibaatadan Xanibaadda ee na haysata nalala arko, waaxaan u jeedaa Shirkan Hiigsiga oo aynaan aqoon waxa uu Hiigsanayo in Magaalo kale loo raro si calal aqal aan u nefisno maalmaha qaar” waxa uu intaas ku daray "Waxaa ka sii wanagsanayd haddii Magaaladan sidaa loo kala xirayo in maalin ka hor Idaacadaha nalookaga sheego si aan guryaheena u joogno oo aynaan u soo lug go’in”.

W/Q. Cabdinaasir Xersi Iidle.

 Email:-Naasirx1@gmail.com/
Tel:-00252-615503978.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip