RA'YI: AWOOWEYAASHA DULMAN (DAAROOD IYO HAWIYE)

0
Friday December 11, 2015 - 19:39:39 in Maqaallo by
  • Visits: 1397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RA'YI: AWOOWEYAASHA DULMAN (DAAROOD IYO HAWIYE)

    Hawiye iyo Daarood baa soo duulay, Daarood iyo Hawiye ayaa laayey, Hawiye iyo Daarood baa xoolihii dhacay, Daarood iyo Hawiye ayaa qixiyey!. Labadaan oday oo ay ku abtirsadaan qeyb weyn oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed waxay mudnaayeen in loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawiye iyo Daarood baa soo duulay, Daarood iyo Hawiye ayaa laayey, Hawiye iyo Daarood baa xoolihii dhacay, Daarood iyo Hawiye ayaa qixiyey!. Labadaan oday oo ay ku abtirsadaan qeyb weyn oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed waxay mudnaayeen in loo duceeyo oo samo mooyee aan xumo marna laga sheegin, waana dulmi in loo tiiriyo dambi ama qalad aysan galin, sababna u ahayn ee ay galeen dadka iyaga ku abtirsada. Dabcan awoowayaasha kalena waa la mid. Waxaa kale oo ay mudnaayeen in la muujiyo, lana qadariyo xiriirka islaamnimo iyo dhalasho ee u dhexeeyey ee dulmi bay ku tahay in iyagoo qabuuraha ku jira la dhexdhigo colaad foojari ah oo aan sal iyo raad midna lahayn. (Mar kale ayaan wax ka qori doonaa Sheeko-xariirta laga sameeyey labadaas oday iyo cidda ka dambeysay, in shaa’ Allaah).

Waxaa ay mudnaayeen in durriyadooda loo walaaleeyo siday iyagu walaalo u ahaayeen ee dulmi bay ku tahay in colaada foojariga ah ee laga sameeyey labada awoowe loo adeegsado isku dirka iyo kala fogaynta ubadkooda.

Waxay mudnaayeen in ubadkoodu noqdaan ubad khayr oo ummadda muslimka ah waxtar mooyee aan wax u dhimin ee dulmi bay ku tahay in ummaddu ubadkooda ka ladi waydo ama ay ku dhex baaba’do, kuna burburto loolanka foojariga ku dhisan ee durriyadooda la dhexdhigay.

Dulmiyada kale ee awooweyaashaas loo geystay waxaa ka mid ah in ay midkood la caayo ka dibna looga jawaabo in kan kale la caayo, waana tii nabigeenu scw yiri: "Dambiyada waaweyn waxaa ka mid ah inuu ninku lacnado labadiisa waalid. Waxaa lugu yiri: Rasuul Allow side ninku labadiisa waalid u lacnadayaa?, wuxuuna ku jawaabay: nin aabbihi ayuu caayayaa, kolkaas buu isna aabbihi caayayaa, hooyadi ayuu caayin, isna hooyadi ayuu caayin”. Taa macneheedu waxaa weeye inuu aabbihi sabab ugu noqday in la caayo, wuxuuna la mid noqday nin isagu toos aabbihi u caayey.

Waalid-caasinimadu (cuquuq) waxay ka mid tahay dambiyada waaweyn ee kabaa’irta ah oo waliba Ilaahay ciqaabtooda adduunka ku soo dadajiyo. Waana la hubaa in ay waalid-caasinimo weyn tahay in awoowayaashaas lugu nabo dambiyo ay bari ka yihiin, ka dibna laga sii dhaliyo xumaan iyi dambi kale oo saameeya dadkii labadooda ka farcamay iyo ummadda oo dhan.

Sidee labada oday u maamuusnaa?

Waa waalid oo waxay ubadkooda ka mudanyihiin baarrinimo iyo maamuus meeqaanka waalidnimo u qalma laakiin waxaa isweydiin leh: sidee iyo wexee ayaa lugu maamuusaa?. Bal aynu wax uun ka taabanao:

1. Ugu horrayn waalidiinta ammaan gali oo adigu ha dhibin, in cid kale dhibtana sabab ha u noqon, durriyadoodana ha dhibin, cid dhibaysana haku caawin.

2. Adigu noqo qof wanaagsan oo saalix ah, kana shaqee in durriyadoodu saalixiin wada noqdaan; waayo waalidku geerida ka dib wuxuu ugu baahi badan yahay ilmo wanaagsan oo u soo duceeya.

3. Ilaali sharaftooda iyo sharafta durriyadooda oo sabab ha ugu noqon magac-xumo iyo sharaf-darro.

4. Shacabka Soomaaliyeed ee garabka u ah durriyadooda soo dhaweyso oo walalaayso, kana ilaali dulmiga iyo xadgudubka.

Waxaa Qoray: Sh. Axmed Cabdisamad

Email: alwaqaar@hotmail.com

xigasho:- somaliweyn.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip