Dhacdooyinkii Juneugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne Farmaajo oo 4ta bisha ballan-qaaday in uu 3 bil gudahood wax uga qabanayo cadaaladda, illaa iyo hadda waa laga sugayaa, 2 maalin kadib, Dowladda federaalka ah ayaa go’aan ku gaaray in muranka Khaliijka ay dhex-dhexaad ka yihiin, waxayna ku baaqeen in dalalka muransan la dhex-dhexaadiyo, go’aankaasi waxaa warqado ka duwan oo lagu taageerayo xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka soo saaray maamullada Somaliland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana bilowday khilaaf dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ah oo illaa iyo hadda aan heshiis cad laga gaarin.
August,waxaa ay aheyd bil kulul, Bishaas 25, 2017, ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ayaa 10 qof oo rayid ah ku dilay beer ku taallo deegaanka Bariire, Shabeellada hoose isla bishaasAugust 27, 2017:Cabdikarim Qalbi-dhagax oo 23kii bishaasi laga soo qabtay gobollada dhexe ayaa loo dhiibay dowladda Itoobiya, in kasta oo golaha shacabka dhiibistiisa sharci-darro ku tilmaamay lama oga waxa xiga, waxaa kale oo bishaas dowladda heshiis la galaySheekh MukhtaarRoobowCali (Abuu Mansuur).
September 26, 2017: Maamul goboleedka Galmudug waxaa ka dhacay qalalaase siyaasadeed, Xildhibaanno ayaa sheegay in madaxweynaha Xaaf xilka ka qaadeen, Xildhibaanno kale ayaa guddoomiyaha baarlamaanka casilay, dhinacyo kala duwan ayaa xilalka iska-qaaday, dowladda federaalka ah ayaa la safatay guddoomiyaha baarlamaanka halka maamul goboleedyada ay la safteen madaxweyne Xaaf, Xildhibaanno federaalka ah oo booqday maamulka ayaa ku guul-dareystay, kadib is-jiid-jiid dheer oo ceeb dhinacyo badan soo gaartay, waa la heshiiyay.
October, Waxaa lagu xusuustaa dhacdooyin badan, waxaa ka mid ahGuddiga Madaxa Banaan ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa baajiyay shirka dastuurka ee wasaaradda, Isla bishaasOctober 11, 2017,War saxaafadeedkii kasoo baxay Madaxda maamul goboleedyada oo Kismaayo ku shirayey ayaa looga dhawaaqay Gole ay ku mideysan yihiin oo la magac-baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeyada (GIDG) kaas oo hadda u muuqda mid go’aannadii ay si rasmi ah u fulaan.
In kasta oo Qaraxyadii dhacay iyo khasaaraha maalin kale ka hadli-doono, Laakin macquul ma aha in October ka hadalno oo aanan soo hadal qaadin 14-keeda, waxaa Zoobe ka dhacay qarax weyn oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof, hanti badan ayaa sidoo kale ku baa’ba’day, waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaco qaaradda Afrika.
December 5, 2017: Wasiirka qorsheynta ee SoomaaliyaJamaal Maxamed ayaa sheegay in uu goobjoog ka ahaa heshiis ay dalka Mareykanka 300 oo Milyan oo doolar la saxiixdeen, kaas oo loogu talo-galay in wax looga qabto horumarka Soomaaliya.
December 5, 6, 2017: Waxaa Muqdisho lagu qabtay shirka amniga iyo iskaashiga oo beesha caalamka iyo Soomaalida ay ku wada hadleen arrimaha la xiriira amniga, nabadda, siyaasadda iyo horumarka dalka iyo dadka.
December 6, 2017: Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa si rasmi ah, waxay si rasmi ah ugu heshiiyeen 14 qodob oo lagu soo afjaray khilaafkii dhanka siyaasadeed.
Soyaalkaas marka aan ka soo tagno,waxaa jiray dhacdooyin kale oo muhiim ahaa sida safarada tirada badan ee madaxweyne Farmaajo, Imaaraadka oo lagu wareejiyay Berbera iyo Boosaaso, isbadallo hey’adaha amniga iyo arrimo kale.
Safaradda Madaxweynaha:
Madaxweyne Farmaajo tan iyo markii la doortay waxaa uu booqday 19 dal, 9 bil uu madaxweynahaa waxaa uu dalka ka maqnaa 2 bil, dalalka uu booqaday waxaa ka mid ahaa: Sacuudi, Kenya, Jordan, immaraadka, Turkiga, Itoobiya, Ingiriiska, Sacuudiga, Uganda, Masar, Sacuudi Arabia, Suudaan, Uganda, Itoobiya, Djibouti, imaaraadka, Kenya, Côte d’Ivoire iyo Masar.
Ballan-qaad Mashaariic:Sanadkan waxaa jiro labo dal oo ballan-qaaday mashaariic ay ka mid yihiin dhismo waddooyin iyo Airport, waa dalalka Sacuudiga iyo Qatar:
Xukuumadda Kheyre:Waxaa May 03, 2017 la dilay Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya marxuum Cabaas Siraaji, muddada ay jirtay xukuumadan Kheyre waxaa is-casilay wasiiraddii Gashaandhigga iyo Gargaarka halka wassiirka diinta iyo awqaafta shaqada looga diray sabab aan la ogeyn, musuqa ay sheegto in ay la dagaalanto hal qof looma qaban sanadkaan, waxaa ay ka baxday shirar ay bilowday sida shirka wasiirrada federaalka ah ee ka dhici lahaa maamul goboleedyada iyo isla xisaabtan xukuumadda iyowarbaahinta.
Hey’adaha Amniga:Waxaa xilka laga qaaday taliyaha NISA iyo taliyaha booliiska, illaa iyo hadda badalkooda lama keenin.
Heshiisyada Imaaraadka: Doorashadii madaxweyne Farmaajo ee February kadib, dalka Imaaraadka waxaa uu heshiisyo ganacsi iyo mid militari la galay Somaliland iyo Puntland, maamulka hore waxaa uu kula heshiiyay in dekadda Berbera lagu wareejiyo shirkadda DP Worldhalka saldhig military la siiyay Isku Tagga Imaaraadka Carabta si ay u isticmaalaan Madaarka diyaaradaha ee Berbera, waxaa kale oo Puntland ay DP Worldku wareejisay dekadda Boosaaso, Labada heshiis waxaa ansixiyay baarlamaannada labada maamul, weli lama oga mowqifka saxda ee dowladda federaalka ah.
Doorashooyin kale:
Doorashada Galmudug:Doorasho Ka dhacday Cadaado May 3, 2017, waxaa madaxweyne loo doortay Axmed Ducaale Geelle(Xaaf).
Doorashada Hirshabeelle: Doorasho Jowhar ka dhacday Sep 16, 2017, waxaa madaxweyne loo doortay Maxamed Cabdi Waare.
Doorashooyinka Somaliland:Doorasho Somaliland ka dhacday November 13, 2017, waxaa ku guuleystay Muuse Biixi, oo ah murashaxaha xisbiga Kulmiye.
Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh Goobjoog News, sidoo kale waan ugu mahadcelineynaa sida wanaagsan ee ay qoraalladaas bulshada ula wadaagaan.
F:G:- +La Soco dhowaan Qaraxyadii, weeraradii iyo
khasaarihii ka dhacay 2017.
XIGASHO:-GOOBJOOG.COM
Warbixin: Min Bilow Illaa Dhammaad Dhacdooyinkii Siyaasadeed Iyo Xasaradihii Dhacay 2017-Ka
Sanadkan 2017-ka, waxaa lagu xusuustaa dhacdooyin muhiim ahaa oo ay ka mid yihiin isbadallo siyaasadeed oo dhacay, xiisado colaadeed, dagaallo, heshiisyo, farxad iyo naxdin iyo arrimo kale. Hadaba,Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda xusuusin