Sharciga labada dhinac miyaa laga tumayaa???.

0
Sunday December 24, 2017 - 21:30:43 in Wararka by
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharciga labada dhinac miyaa laga tumayaa???.

    Hashii nin Guran loo dhiibo dhinacna uma fiyaabo,"Sharciga dhinacna uma fiyaaba" 1- MAALINTII HORE a) Anigaa ku soo xiraya, isla aniga ayaana Dacwdda kugu soo oogaya. "Shaqadii Qaaliga iyo tii xeer lilaalinta miyaa la mataaneeyay?&

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hashii nin Guran loo dhiibo dhinacna uma fiyaabo,"Sharciga dhinacna uma fiyaaba" 1- MAALINTII HORE a) Anigaa ku soo xiraya, isla aniga ayaana Dacwdda kugu soo oogaya. "Shaqadii Qaaliga iyo tii xeer lilaalinta miyaa la mataaneeyay?". b) Sharcigu ma waxa uu qabaa in warqadda eedeeysanaha Bolisku u geeyo, mise nabad Sugidda?.

2-MAALINTII DAMBE

a) Kiis dad ku dhintay ayaa Baaris buuxda la’aanteed 24 saac gudaheed lagu soo Afjaray, oo Go’aan laga gaary (See wax u jiraan?)

b) Dacwada Gadaasheeda Racfaan lagama qaadan karo, maxkamadda iga sareeysana looma gudbin karo. (intee ku qoran tahay?).

FG: Dastuurka Dalku wuxuu leeyahay,sharcigii Dastuurkan ka hor imaanaya,waa la baabiyay. Wixii Dastuurka laga waayana waxaa loo noqonayaa kii 1962-dii. Sharciyadii Kacaanka oo Dastuurkan ka hor imaanaya qayba ka mid ah ayaa weli lagu dhaqmaa.

Haddaan la is waafajin sharciyadaan iska hor imaanaya…sida Dastuurku isaga horkeenay siyaasiyiinta, ayaa Hayadaha Garsoorkuna isaga hor imaanayaan.

(Sharciga ALLA noo soo dejiyay ee aan iska hor imaadka lehayn, maxaa looga tagay?

FG: Waxaan ku wareeray dhacdada labadaa maalin 1& 2 mar kale Fiiri.

Iga raali ahaaw, wixii aan ku qaldamay iyo wixii aqoon yaro ii geysay iga sax, araagtidaadu waa mid aan u baahanahay.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip