WARBIXIN:-Habka cusub ee Booliska Soomaaliya u shaqeyn doono

0
Wednesday December 20, 2017 - 19:55:23 in Wararka by
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN:-Habka cusub ee Booliska Soomaaliya u shaqeyn doono

    Hiigsiga Dowladda Soomaaliya ay ka leedahay Ciidamadeeda Booliska waa inla abuuro adeeg Booliis oo awood leh islamarkaasna heybad iyo sharaf leh, kuwaasi oo hubin doona dhowrista ammaanka Dadka iyo Bulshada, sidaasi daraadeed Dowladda Federaalka iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hiigsiga Dowladda Soomaaliya ay ka leedahay Ciidamadeeda Booliska waa inla abuuro adeeg Booliis oo awood leh islamarkaasna heybad iyo sharaf leh, kuwaasi oo hubin doona dhowrista ammaanka Dadka iyo Bulshada, sidaasi daraadeed Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee Jubbaland, Putland,Galmudug,Koonfur Galbeed iyo Hirashabeelle ayaa sanadkii la soo dhaafay isku afgartay nidaamka cusub ee howgalinta Booliska.

Sida xusan Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay Xafiiskeeda ay ku leedahay Soomaaliya UNSOM ayaa sida xusan habkaan cusub, Ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxay noqon doonaan Booliska Federaalka ah, halka Dowladaha Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ay iyaguna yeelan doonaan Boolis iyaga gaar u ah.

Booliska Federaalka iyo Booliska Xubnaha ka ah Federaalka, waxay maalgalin doonaan howlahooda, waxayna magacaabi doonaan Taliyayaasha Booliska, waxay kaloo sameyn doonaan qorshayaasha Booliskooda, hase yeeshee guusha habkani cusub ee howlgalinta Booliska lagu cabirayaa kalsoonida ay ku qabaan booliskooda, tayada adeegyada ay bixiyaan, yareynta fal-dambiyeedyada xag-jirnimada ee heer Maamul-goboleed iyo heer Federaal, sidaasi daraadeed halka ay Maamul-goboleedyadu safka hore kaga jiraan howlaha sugidda Ammaanka ee Booliska, iyagoo u maraya amni dhowris Bulsho iyo gaaf-meer muuqda.

Ciidamada Booliska Federaalka ah, waxay qabanayaan waajibaadyo gaar ah sida sugidda Ammaanka sida sugidda Ammaanka Xuduudaha, wax ka qabashada Fal-dambiyeedyda abaabulan iyo xaqiijinta inay xiriir wanaagsan la leeyihiin Booliska Caalamka, halka Booliska Federaalka ah iyo kan Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay yeelan doonaan unugyo wareega oo si deg deg ah u howgala oo loo yaqaan Daraawiishta.

Booliska Dowladaha Xubnaha Federaalka wuxuu yeelan doonaa unugyo loogu talagalay xakameynta rabshadaha oo loo yaqaan Birmadka.

Booliska Labada heer waxaa dhexmari doonaa wada shaqeyn, iyagoo isdhaafsanaya macluumaadka, waxaana ay sameyn doonaan isku duwid iyo wada shaqeyn ku aadan howl-maalmeedkooda, waxayna xiran doonaan Labis isku mid ah, laakiin ku kala duwan calaamadaha.

Tiradas Booliska Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka waxay wadar ahaan gaari doonaan 32 kun oo Ciidamo Boolis ah, hase yeeshee waxaa wali laga wada hadlayaa sida Dowladda Federaalku iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ay u qeybsanayaan Ciidamada Booliska.

Guddiga Farsamada ee heer Gobol ayaa hore ugu kulmay Puntland, Jubbaland, Hirshabeelle,Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Guddi farsamo oo wadajir ah oo masalaya Booliska Soomaaliya iyo kuwa Xubanaha ka ah Federaalka ayaa hore ugu kulmay Magaalada Muqdisho, waxayna Bil kasta ku kulmi doonaan Gobolada ka duwan.

Waxaa wali laga shaqeynaya diyaarinta nidaamka cusub ee howgalinta Booliska iyo in loo turjumo hab sharciyadeed, heer Federaal iyo heer Gobolba.

Booliska Qaramada Midoobay iyo Saraakiisha Booliska AMISOM ayaa tababar bixinaya si ay gacan uga geystaan nidaamka cusub ee howlgalinta Booliska Soomaaliya, AMISOM-na waxay bilowday Qorista tababaridda Dadka ka mid noqon doona Booliska heer Dowlad-goboleed, tani waxay gacan ka geysneysaa kor u qaadidda awoodda Saraakiisha Booliska Soomaaliyeed, si ay u sugaan ammaanka Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

W/D:- C/laahi Ruush




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip