Toban sano ka dib sanadkii 2002 ayuu sheegay dhaqaatiir uu isagu ka mid ahaa ay aasaaseen Jaamacadda Banaadir kuliyadda Caafimaadka si loo helo dhaqaatiir cusub u buuxiya kaalintii ay baneeyeen dhaqaatiirtii dalka ka baxday iyo kuwii geeriyooday.

Musiibadii Hotel Shaamow ee ku dhacday Jaamacadda Banaadir munaasabaddii ardaydii qalin jebinaysay waxay ahayd musiibo weyn oo sababtay dhimasho iyo dhaawac mas’uuliyiintii jaamacadda, macalimiintii jaamacadda iyo dad kaloo muhim ahaa, balse dhacdadaas ma noqon mid hakisa hadafkeennii ahaa in aan soo saarno jiil cusub oo dhaqaatiir ah oo na beddela, riyadaasina waa rumowday, maxaa yeelay waxaa ka qalin jebiyay jaamacadda illaa iyo maanta dhaqaatiir ka badan 750 dhaqtar oo waddanka oo dhan ka shaqeeya” ayaa yiri Prof. Dufle.

Dhamaan howlahaas la soo qabtay ujeedada laga lahaa ma aheyn in shahaado iyo abaal marin lagu helo balse waxay naga aheyd ilaahay dartiis inaan inta awoodeena ah wax ugu qabano shacabkeena dhibaateysan taasna waan ku guuleysanay” ayuu yiri Prof. Dufle oo horey ugu guuleystay abaal marino kale oo ay gudoonsiiyeen Machadka caalamiga ah ee Giuseppe Pitre ee dalka Talyaaniga iyo ururka Somalia Peace Award ee dalka Norwey, wuxuuna Profasorku noqday dhaqtarkii ugu horeeyey qaarada Afrika ee u sharaxan abaal marinta caalamiga ah ee Nobel Peace Prize.

Ugu dambeyntii Prof. Dufle wuxuu u mahad celiyey guddoomiyaha Universum Academy ee Switzerland abaamarintan ugu dambeysay ee la soo guddoonsiyey.

Soo dhoweynta Dufle
1of 8