Wasiirka Beeraha DFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo sharciga Beeraha

0
Monday December 18, 2017 - 12:40:14 in Wararka by
  • Visits: 408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Beeraha DFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo sharciga Beeraha

    Waxaa ka qeyb galay Shirkan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Beeraha iyo Arrimaha Abuurka Qubaro dhanka Beeraha, Xubno matalaya Maamul Goboleedyada Dalka iyo marti Sharaf kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa ka qeyb galay Shirkan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Beeraha iyo Arrimaha Abuurka Qubaro dhanka Beeraha, Xubno matalaya Maamul Goboleedyada Dalka iyo marti Sharaf kale.

Waxaa looga hadlayey dhowr arrimood oo ay kamid tahay sida loo sameyn karo Sharciga Beeraha ee Soomaaliya iyo qaabka looga faa’iideysan karo wax soo saarka Beeraha.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Xaamud Cali Xasan ayaa sheegay in Sharcigan Faa’iidooyin badan Soomaaliya u leeyahay hadii la sameeyana Muhiimad gaar ah siinayaan.

"Waxaa meesha ka baxay shaciyo badan oo dalka muhiim u ahaa markii Dowladii dhexe meesha ka baxday, hadda waxaan ku dadaaleynaa sidii aan u heli naheyn Sharciga Beeraha Soomaaliya,” Ayuu Yiri Wasiir ku-xigeenka Beeraha iyo Abuurka Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo kamida Gudiga qeyraadka ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu tilmaamay in Sharciga Beeraha aad loogu baahan yahay.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Abuurka Dr. Saciid Xuseen Ciid ayaa wuxuu tilmaamay in Sharcigan qeyb ka yahay Shariciyo badan oo la doonayo in Wasaaraddu dib u soo celiso.

"Waxaan rabnaa in aan soo celino Sharciyo badan kanna qeyb ayuu ka yahay meel wanaagsan ayuuna hadda noo marayaa” Ayuu yiri Wasiir Dr. Saciid Xuseen Ciid.

Seddexda maalin ee soo socota ayey ka qayb galayaasha Shirkan ka doodayaan sidii loo sameystiri lahaa Sharcigan si loo horgeeyo Golaha fulinta iyo Sharci dajinta




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip