Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la geeyay Isbitaallada Nairobi iyo Gaarisa,waxaana la sheegayaa in markii hore ay 13 Qof ku dhinteen goobta halka afarta kale ay Isbitaallada ku dhinteen.

Saraakiisha Ciidanka waddooyinka ayaa sheegay in Wadayaasha gaadiidka ay ka faa’ideysanayaan maqnaashaha Ciidanka waddooyinka islamarkaana ay si xad dhaaf ah u kaxeynayaan Gawaarida si ay dhaqsi u tagaan halka ay u socdaan.

Ciidanka Waddooyinka ayaa sheegaya in Waddooyinka qaar ee Gobolka Waqooyi bari ay aad u baaba’san yihiin islamarkaana aysan Gaadiidka awood u lahayn in sidii la doono loogu ka xeeyo.

Sidoo kale Gaadiidka ayaa aad loo raraa iyada oo Dadka iyo alaabahaba tiro xad dhaaf ah la saaro,waxaa iyana ay qayb ka tahay shilalka badan ee ay dadka ku dhimanayaan.