Aqriso: Heshiis 11 Qodob Ka Kooban Oo Lagu Kala Saxiixday Gaalkacyo?

0
Monday December 18, 2017 - 11:58:01 in Wararka by
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqriso: Heshiis 11 Qodob Ka Kooban Oo Lagu Kala Saxiixday Gaalkacyo?

    Magaalada Gaalkacyo waxaa shalay Maamullada Puntland iyo Galmudug ay ku gaareen heshiis ka kooban 11 Qof ay ku kala saxiixdeen labada dhinac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Gaalkacyo waxaa shalay Maamullada Puntland iyo Galmudug ay ku gaareen heshiis ka kooban 11 Qof ay ku kala saxiixdeen labada dhinac.

Heshiiskaas ayaa waxaa saxiixay 26 Qof oo labada dhinac ka soo kala jeeda waxaana dhinacii jebiya loo aqoonsaday in uu yahay Nabad diid.

Dadka saxiixay heshiiskan waxaa ka mid ah.
Guddoomiyaasha labada dhinac, 2da
duq magaalo ee gaalkacyo iyo
Odoyaasha dhinacyada Galmudug
iyo Puntland ee magaalada
Gaalkacyo. Hishiiskuna waxaa uu ka
kooban­yahay qodobadaan soo
socda:
1 – In la sameeyo Guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya Nabad­galyada Gobolka Mudug,
gaar ahaan magaalada Gaalkacyo
2 – In dhammaanba jidgooyooyinka la qaaday shalay oo taariikhdu ku beegnayd 16 Dec
2017 Sabti isla markaana ay waajib ku tahay labada dhinac in shacabka Gaalkacyo ay si
nabad iyo xasillooni ah u adeegsadaan wadooyinka muhiimka ah ee horay u xirnaa laga
bilaabo taariikhda maantay ah ee hishiiskaan la saxiixay.
3 – In la diyaariyo ciidan isku dhaf ah oo si rasmi ah u suga Nabadgalyada Gobolka Mudug.
4 – in baraha ay joogaan ciidamada Maleeshiyaadka ah ay sidii horayba loogu balamay ay
baneeyaan, mas’uuliyada goobaha la baneeyayna ay tahay mid saaran ciidanka Isku dhafka
ah.
5 – In goobaha ay joogaan Meleeshiyo Beeleedyadu ee deegaamada daaqsinka ah (Miyiga)
ay ku kala sugnaadaan goobahooda inta xal waara laga gaarayo, isla markaana waxaa
kormeeraya deegaannadaas ciidanka isku dhafka ah ee labada maamul iyo Ciidanka
Xoogga Dalka Soomaaliya.
6 – in qof­waliba uu xaq u leeyahay in uu dhisto dago, iibsado, kuna ganacsado gurigiisa,
aanna laga hor­istaagi karin dhinac kasta oo uu ku yaalo.
7 – in la joojiyo wararka colaadaha hurinaya,
8 – In dhammaan maamullada gobolka Mudug, ganacsatada iyo qaybaha kale duwan ee
bulshadu ay gacan ku siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, Booliska iyo Nabadsugida,
gudashada waajibaadkooda sugida ammaanka magaalada Gaalkacyo.
9 – In labada Guddoomiye Gobol iyo degmo ay si wadajir ah uga wadashaqeeyaan sugida
amniga gobolka Mudug.
10 – Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu ballan­qaadayaa in uu adkeyndoono
Nabadda la wadaqaatay haddii Alle idmo.
11 – Ma’uuliyiinta Hishiiskaan saxiixay waxay ka codsanayaa Talyaha Ciidanka Xoogga
Dalka Soomaaliyeed in uu ku wareejiyo sugida Amniga Gobolka Mudug ciidanka isku dhafka
ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ee ku sugan gobolka Mudug marka la sameeyo, si ay u
hantaan Nabadgalyada Gobolka Mudug.
F.G – Hishiiskaan wuxuu dhaqan­galayaa marka la wada saxiixo, waana la saxiixay, dhinicii
jabiyana hishiiskaan, waxaa loo aqoonsanayaa Nabad­diid, waxaana laga qaadayaa
tillaabada ku habboon sida sharcigu qabo.
Saxiixayaasha Hishiiskaan waxay ka kooban yihiin 26 qof oo 10 iyo 10 ah, iyo 6 gab­dhood
oo 3 iyo 3 ah. Waxaa sidoo kale hishiiskaan saxiixay labada Guddoomiye ee Mudug, Iyo
Labada Guddoomiye degmo ee magaalada Gaalkacyo.
Waxaa hishiiskaan goob­joog ka ahaa,
– Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas General C/wali Jaamac
Xuseen Gorod.
– Talyaha Ciidamada difaaca Puntland Sareeye Guud General Siciid Maxamed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip