Falanqeyn Maanta: Madaxweyne Farmaajo wuxuu eeday lacagtii Qatar iyo lacagtii imaaraadka

0
Monday December 18, 2017 - 11:45:28 in Wararka by
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeyn Maanta: Madaxweyne Farmaajo wuxuu eeday lacagtii Qatar iyo lacagtii imaaraadka

    Waxaan xasuustaa in madaxweyne Farmaajo horey u yiri waxaan noqon doonaa nabadoon Soomaaliyeed, laakiin balanku ma aheyn in Rag Yar oo koox ah ay awoodii wadanka qaataan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan xasuustaa in madaxweyne Farmaajo horey u yiri waxaan noqon doonaa nabadoon Soomaaliyeed, laakiin balanku ma aheyn in Rag Yar oo koox ah ay awoodii wadanka qaataan.

Waxaan kaloo xasuusta in madaxweyne Farmaajo horey u balan qaaday in aan cidna fikradeeda loo dili doonin, laakiin taas ayaa beenowday bacdamaa hadda la bilaabay ugaarsiga cid kasta oo ka soo horjeeda Siyaasada. Kooxdan yar ee Qalinka Madaxweynha si qaldan u isticmaalaysa.

Dawlada Qadar iyo Dawlada imaaraadka dantooda miyaan dalkeena iyo dadkiisa u baabi’inaa. War aqligii iyo garashadii lacag ayaa qaadaney mushruuc ayaan wadanaa miyaa anagaa sax iyo anagaa sax miyaan. Isku haynaa.

Ceeb baa dhacday. In rag siyaasiyiin ah guryahooda lagu weeraro ninkii xiligaan xiiso u qaba iney Somalia dagaalo kale gasho. Dantiisa u arka inuu rag siyaasiyiin ah oo ka fikir duwan dilo ama xiro. Sow ma oga in arinkaa keenayo dagaalkii sokeeye oo sii socda. Xagee looga leexday dhismihii dib u heshiinta.

Waxa dhacay masaxbaa. ?

In Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur inay Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda Qaranku weeraraan oo ay dilaan. Siyaasiga ciidankii ilaalada u ahaa. oo isagoo dhaawac la geeyay Xabsiga Godka Jilacoow

Sidee suurtagal u tahay? Ficilka noocana ah ma Qatar ayaa ka wanaagsen imaaraadka intaa oo Qof oo soomaaliya u dhintee. Mise wax kala ayaa jira.?

C/raxmaan C/shakuur, ayaa sababta loo weeraray waxaa loo maleynayaa, waa siyaasi.mucaarada oo furay dood Furan oo ah in banaanka la keeno khaladaadka dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo. Siyaasada dhex dhaxaadnimo inay jirin oo dawladu la safatay Dawlada Qatar. Waxa la isku hayaa waa intaa

Markaa sow ma oran karno Madaxweyne Farmaajo. Rag koox yar ah yaa sumcadii kaga ciyaaray ilahay ayaa Qalbigiisa og. ee waxa dhacaya 10 kan bilood ee uu xilka hayo aamusnaan. Loogama baahna.

Masuuliyada wadanku isagaa u dhaartey. Wixii khalad ah isagaa masuulka ah. Wixii wanaagsana isagaa amaanteeda leh.

Waxaa Qoray: Mahamed Caalim




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip