Faah-faahin:-Nin Soomaali ah oo Weerar Ku Qaaday Dhallinyaro Somaliyeed Magaalada Cape Town

0
Monday December 18, 2017 - 11:30:47 in Wararka by
  • Visits: 370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah-faahin:-Nin Soomaali ah oo Weerar Ku Qaaday Dhallinyaro Somaliyeed Magaalada Cape Town

    Wiil Soomaali ahaa ayaa salaadii casir ee shalay lagu dilay laba kalana waa lagu dhaawacayxaafadda Soomaalida u badan tahay ee Bellville, kadib markii ninkale oo Soomaali ah oo hubeysanaa uu rasaas ku furay qofka dhintay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil Soomaali ahaa ayaa salaadii casir ee shalay lagu dilay laba kalana waa lagu dhaawacayxaafadda Soomaalida u badan tahay ee Bellville, kadib markii ninkale oo Soomaali ah oo hubeysanaa uu rasaas ku furay qofka dhintay.

Ninka dilka geystay ayaa kasoo baxay xabsi ku yaala Magaaladda Cape Town ee dalka koonfur Afrika oo uu ku jiray muddo 3 bilood ah,wuxuuna weerar ku qaaday rag kale oo horey dagaal uu u dhaxmaray sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba ee dalkaas Maxamed Xuseen Axmed(tuuraq).

Ciidamada ammaan ee dalka South Africa ayaa gacanta ku dhigay ninkii dilka geystay iyo qorigii uu sitay.

Dilalka noocaan ah ayaa ah kuwa muddooyinkaan dambe soo badanaya iyadoo magaalooyinka Cape Town iyo Johannesburg ay horay uga dhaceen falal noocaan ah, mana jirto cid ku howlan wax ka qabashada arrimaha noocaan ah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip