Xisbiga Wadajir oo cambaareeyay weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur
Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Gutaale ayaa wareysi uu siiyay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ku sheegay in tallaabada Nabadsugida ay qaadeen ay aheyd mid sharci darro ah.
"Waxaa weerar lagu soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir, oo xilligaas ay ku kulansanaayeen Hoggaamiyaha Xisbiga iyo Xildhibaano saaxibadiisa, ah, waxay aheyd tallaabo sharci darro ah oo aan aaminsanahay inay soo amreen Ra’iisul Wasaaraha iyo Xafiiska Madaxweynaha”ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Gutaale.
Mr Kamaal Gutaale ayaa sheegay in arrin nasiib darro ay tahay in wax laga soo laabtay 30 sano ka hor maanta la keeni, isla markaana dadka la caburiyo, waxaa uu tilmaamay in si bareer ah loo toogtay Ilaaladii Xisbiga.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in xarunta xisbiga ay ku gacanta ku hayaan ciidamadii weeraray, ayna tuhunsan yihiin inay saxaafada ugu soo bandhigana waxyaabo ay been abuureen
"Guriga ayay soo weerareen, ilaaladii waa toogteen, Hoggaamiyaha Xisbiga wajiga ayay ka xireen, baabur ayay ku kaxeysteen, isagoo oo dhaawac ah, waxaa la bur buriyay guriga xisbiga degenaa”ayuu yiri Kamaal Gutaale.
Waxaa uu sheegay in Xisbiga Wadajir uu yahay xisbiga mucaarad ah, isla markaana ay arrinta sharci darada ee lagu sameeyay ay dacwad ka geyn doonaan Maxkamad, ayna u mari doonaan waddo sharci ah
Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Hey’addaha Ammaanka iyo Xukuumadda, weerarkii xalay ayaa ahaa kii u horeeyay noociisa ee lagu qaado guri uu degenaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ee sida aadka ah uga soo horjeeda dowladda.
Xisbiga Wadajir oo cambaareeyay weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur
Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ee dhowaan is-diiwaan geliyay ayaa si kulul u cambaareeyay weerar xalay Ciidamada Ammaanka ee NISA ku qaadeen Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga.