Ciidamada Dowladda oo xiray wadooyin ka mid ah Muqdisho

0
Monday December 18, 2017 - 11:01:06 in Wararka by
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda oo xiray wadooyin ka mid ah Muqdisho

    Ciidamada ammaanka dowladda Federalka Soomaaliya ayaa saaka waxa ay xireen wadooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinkaasi lagu arkayo ciidamo badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka dowladda Federalka Soomaaliya ayaa saaka waxa ay xireen wadooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinkaasi lagu arkayo ciidamo badan.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada ay xireen wadada Soobe, KM4 dhanka wadada aada Tarabuunka iyo wadooyin kale oo ka mid ah Magaalada gudaheeda.

Waxaanan la ogeyn sababta keentay in wadooyinkaan ay xiraan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, balse xiritaanka wadooyinkan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo xalay weerar lagu qaaday guriga Muqdisho uu ka degan yahay Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur

Ciidamo Boolis iyo Nabad Suggid ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalada Muqdisho ee la xiray, dadkana waxa ay yihiin kuwa lugeynaya.

Feejignaan badan ayaa ka muuqata ciidamada xiray wadooyinka, waxaana wadooyinka loo ogol yahay kaliya inay maraan gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowladda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip