C/qaadir Cosoble "Arrinta xalay ka dhacday Muqdisho waa arrin khatar ku ah dowladnimada iyo xasilonida dalka"

0
Monday December 18, 2017 - 10:46:27 in Wararka by
  • Visits: 1438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/qaadir Cosoble "Arrinta xalay ka dhacday Muqdisho waa arrin khatar ku ah dowladnimada iyo xasilonida dalka"

    Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa si weyn uga soo hor-jeestay tallaabadii xalay Ciidamada ammaanka ku weerareen guri uu degenaa C/raxmaan C/sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa si weyn uga soo hor-jeestay tallaabadii xalay Ciidamada ammaanka ku weerareen guri uu degenaa C/raxmaan C/shakuur.
Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay wixii xalay dhacay in aan la aqbali karin.

"In qof siyasad kugu khilafsan loo adeegsado ciidanka qaranka welina ay dad ku dhintaan waa dembi keeni kara burbur ku yimada dowladnimada mana aqbali doono haddii aan nahay masuuliyiinta qaranka”ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay xilligii ku tagri falka awoodda iyo ciidanka Qaranka, arrinta xalay ka dhacday Muqdisho ay tahay arrin qatar ku ah dowladnimada iyo xasiloonida dalka.
"Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay ka gudubtay waqtigii ku tagri falka awoodda iyo ciidanka qaranka, arrinta xalay ka dhacday Muqdisho waa arrin khatar ku ah dowladnimada iyo xasilonida dalka, waxay u baahan tahay in laga hortago, si anan u burburin wixii yaraa ee an gaarnay sanadihi la so dhafay”ayuu yiri.
Ciidamada Ammaanka, gaar ahaa kuwa NISA ayaa xalay weeraray guri uu degenaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, iyagoo xabsiga u taxaabay, waxaana howl galkaas ku dhintay afar ka mid ah Ilaaladiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip