XILDHIBAANADII UGU MUDNEYD OO LOO DOORTEY HOGAANKA HAWEENKA BAARLAMAANKA

0
Sunday December 17, 2017 - 19:56:09 in Wararka by
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XILDHIBAANADII UGU MUDNEYD OO LOO DOORTEY HOGAANKA HAWEENKA BAARLAMAANKA

    Doorasho aan waxba la isula harin ayaa dhawr cisho ka hor ka dhacday Magaalada Muqdisho, xiiso gaar ah ayay laheyd, ololaha doorashadaasi ayaa in muddo ah laga dareemayay G/Banaadir, orod, soo jeed iyo shirar aan kala kac laheyn ayaa soconayay, halga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorasho aan waxba la isula harin ayaa dhawr cisho ka hor ka dhacday Magaalada Muqdisho, xiiso gaar ah ayay laheyd, ololaha doorashadaasi ayaa in muddo ah laga dareemayay G/Banaadir, orod, soo jeed iyo shirar aan kala kac laheyn ayaa soconayay, halgan lagu kala jiidanayay Xildhibaanada xaqa u leh inay coddeeyaan ayaa la arkayay, Musharax kasta hamigiisu wuxuu ahaa sidii uu ugu soo bixi lahaa xilkii loo tartamayay.

Waqtigu wuxuu is guraba waxaa la soo gaarey maalintii lagu madlanaa doorashada, goobtu waa Hoolka Guddiyada Golaha Baarlamaanka, Madasha waxa soo xaadiray 59-Xildhibaan oo ka tirsan hablaha Aqalka Hoose (Golaha Shacbiga).

Saacaddo kadib waxaa si rasmi ah loo guda galay coddeyntii doorashada, Seddex Musharax ayaa la shaaciyay inay u taagan yihiin xilka Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Federaalka, coddeyntii ayaa bilaabatey, qarsoodi ayaa laga dhigay, hanaan ku dhisan xilkasnimo iyo si masuuliyad ay ku dheehan tahay ayaa loo wada coddeeyay.

Muddo kooban dabadeed waxa si sharaf leh loogu dhawaaqay natiijadii doorashada, saadaashii la bixinayay aya asoo daahirtay, Xildhibaanadii loo badinayay inay guuleysan doonto ayaa ku soo baxday xilki loo hardamayay, Tirada coddadkii la dhiibtay ayaa lagu dhawaqay, 29-cod ayaa la caddeeyay in Xildhibaan#MinaXasan Shibis ay ku guuleysatey, sacab, alalaas iyo dabaal-deg ayaa is qabsadey.

Wey istaahishaa iyo wey mudan tahay ayaa xigtay, si kalgacal leh ayaa loogu farxay guushaasi, Shaki, mad-madow iyo cabsi midna lagama qabin inay Geesiyadaasi noqon doonto Gudoomiyaha Haweenka Baarlamaanka, wey muuqatey, cidna caad kama saarneyn inay Xildhibaanadaasi guusha gacanteeda ku jirto, xog ururin horey loo sameeyey ayaa lagu ogaadey in aan Drs.Mina laga xigin jagadii ay u tartmaysay, dadaal, juhdi iyo shaqo adag ayay Halyeeyadaasi u soo gashay sidii ay xilkaan ugu soo bixi laheyd.

Jaceylka iyo kalsoonida lagu qabo darteed ayay ku hanatey coddad aqlabiyad leh, heybad, isku kalsoonaan iyo ALLE aaminid {Talo saarasho} ayaa laga dheehan karayay Gudoomiyaha la doortey ee Hablaha Baarlamanaka intii ay socotay doorashada, Mudanayaashii coddeynta iska lahaa ayaa wajiyadooda waxaa laga aqrisan karayay sida ay ugu faraxsanaayeen inay doortaan Drs. #Mina.

#WAACUSUB ayaa u baryay Haweeenka Baaralaamaanka mar haddii ay heleen Gabadh leh khibrad, aqoon iyo karti ay ku gudan karto waajibaadka loo igmadey, Geesiyadda la doortay hawl culus ayaa sugayso, isbadal, wax qabad iyo horumarin ayaa laga dhawrayaa, si loo wada guuleysto waxaa lagama maarmaan ah in gacan lagu siiyo gudashada xilka lagu aaminay.

Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamanka, Ra’iisul wasaaraha, Gudoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirada. Xildhibaanada, Aqoonyahanada, Qurba joogta, Madaxda Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Haweenka, Dhallinyarada, Ardayda iyo Wakiilada Dalalka Daneeya Arimaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay xilka cusub ee loo doortey Drs. #Mina Xasan Shibis, waxayna sheegeen in u qalanto jagada loo doortey iyo xilal ka sii sareeyo, iyagoo balan qaaday inay gacan ku siin doonaan sidii ay uga soo dhalaali laheyd kursiga ay la wareegtay

Qore:- Shiiqaalow Xasan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip