Aabe 2-da Lugood ka go'an oo Qof kasta oo leh damiir Bani'aadminimo leh ka codsaday inay u soo gurmadaan+Sawiro

0
Thursday December 14, 2017 - 22:16:29 in Wararka by
  • Visits: 1854
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabe 2-da Lugood ka go'an oo Qof kasta oo leh damiir Bani'aadminimo leh ka codsaday inay u soo gurmadaan+Sawiro

    Cali Xuseen Kudan, waa Aabe dhalay 7-caruur ah, isla markaasina dagaaladii ku waayay labadiisa Lugood, Haddaba mar aanu booqanay hoygiisa ayuu inooga warbixiyay qaabka uu ku nool yahay mar haddii ay ka go'an yihiin labadiisa Lugood, iyo guud aha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Xuseen Kudan, waa Aabe dhalay 7-caruur ah, isla markaasina dagaaladii ku waayay labadiisa Lugood, Haddaba mar aanu booqanay hoygiisa ayuu inooga warbixiyay qaabka uu ku nool yahay mar haddii ay ka go'an yihiin labadiisa Lugood, iyo guud ahaan xaaladda qoyska uu aabaha u yahay.

"Way iga go’een Labadayda Lugood aan ku shaqeysan jiray, waxaaba taas iiga sii daran, xaaladda Qoyskayga oo aad u liidata,maadaama aan ahay ruux aan u shaqeysan karin sida dadka leh Lugahood,waxaana dhowr jeer isku dayaa inaan Dhismooyin ka shaqeeyoanigoo xiranaaya Lugo macmal ah, hase yeeshee da’deeda oo korortay ayaan awoodi waayay inaan daldalo dhagaxa ama aanjabiyo” ayuu yiri Cali Xuseen Kudan oo dhinaca kale sheegay inuu isagu la mid yahay qof aan waxba qabsan karin.

Aabahan dhalay 7-da caruurta ah, ayaa qoyskiisa waxay ku nool yihiin xaalad adag, bacdamaa aanu jirin aabe u shaqeeya, isla markaasina hooyada ilmaha aanay awood u lahayn inay iyadu shaqeyso, "Walaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, waxaan ka codsanayaa inay igu soo eegaan il naxariis leh” ayuu yiri Aabe Cali Xuseen Kudan


Sidoo kale wuxuu sheegay inay Caruurtiisa qaarkood ay yihiin kuwo xanuunsanaya, halka qaarkood uu sheegay inuu bixiyo lacagaha Iskuulka ay dhigan jireen oo ay guriga joogaan, Qofkii wax sadaqaysta Alle ayaa ka abaalmarin doono maalinta Qiyaamaha haddi Alle Idmo, Alle dartiis Aabahaan ha ku soo caawiso qof kasta oo Alle uu wax siyyay.
Ka sokow curyaannimada soo wajahday Cali Xuseen Kudan ayaa wuxuu sheegay inuu ka codsanayo Hay’adaha samafalka, shacabka Muslimiinta ah, ganacsatada, Jaaliyadaha Soomaalida ee dibadaha ku dhaqan iyo ruux kasta oo leh damiir bani’aaminimo inay la soo gaaraan gurmad samata bixin oo dhinac walba leh.
Haddaba qof kasta oo Alle SWT dartii u baxsaneysa sadaqo waxay la soo xiriiri karaan Aabahaan labada Lugoo ka go’an Telefoonkiisa Nambarkiisu yahay +252616672001



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip