Khabiirka Sky Sports Ee Paul Merson Oo Saadaaliyayay Natiijooyinka Kulamada 17-Aad Ee Premier Leaque Iyo Kooxaha Uu Guulaha U Saadaaliyay.
Paul Merson ayaa Chelsea u saadaaliyay in ay dib ugu soo laaban doonto tubta guusha isla markaana ay soo garaaci doonto kooxda heerka labaad ka soo baxday eeHuddersfield. Merson ayaa Blues u saadaaliyay guul 2-0 ah.
Khabiirka Sky Sports eePaul Merson ayaa saadaaliyay in Arsenal ay markeeda dhaafi kari waayi doonto kooxda uu David Moyes isbadalka ku sameeyay ee West Ham United isla markaana ay barbaro 1-1 ah gali doonaan. West Ham ayaa maraysa imtixaan adag iyada oo ay iskugu xigeen Manchester City, Chelsea iyo Arsenal.
Paul Merson ayaa sidoo kale guul u saadaaliyay Manchester United wuxuuna aaminsan yahay in Red Devils ay ka soo kabsan doonto waji gabixii ay kala kulantay Manchester City wuxuuna saadaaliyay in Red Devils ay 2-0 ku garaaci doonto Bournemouth.
Dhinaca kale Merson ayaa guul u saadaaliyay Liverpool oo guul muhiim u ahayd xili ciyaareedkeeda iska lumisay waqtti danbe oo kulankii Merseyside ahayd wuxuuna aaminsan yahay in Reds ay guul 2-0 ah ka gaadhi doonto West Brom oo Anfield soo booqan doonta.
Laakiin Merson ayaa wali sii wada in uu guul wayn ku taageero kooxda duulaysa ee Manchester City wuxuuna saadaaliyay in ay 3-0 ku soo garaaci doonto kooxda Swansea City.
Haddaba halkan kaga bogo Saadaasha Khabiirka Sky Sports Ee Paul Merson uu Ka Bixiyay Kulamada 17 aad Ee Premier Leaque:
Kulamada Talaadada:
Burnley 2-0 Stoke City
Crystal Palace 1-2 Watford
Huddersfield 0-2 Chelsea
Kulamada Arbacada:
Newcastle 1-1 Everton
Southampton 2-2 Leicester
Swansea 0-3 Man City
Liverpool 2-0 West Brom
Man Utd 2-0 Bournemouth
West Ham 1-1 Arsenal
Khabiirka Sky Sports Ee Paul Merson Oo Saadaaliyayay Natiijooyinka Kulamada 17-Aad Ee Premier Leaque Iyo Kooxaha Uu Guulaha U Saadaaliyay.
Khabiirka Sky Sports eePaul Merson ayaa markale soo laabtay isaga oo xili ciyaareedka oo dhan si joogto ah u saadaaliyay kulamada horyaalka Premier Leaque wuxuuna kula baxay magaca "Magic Man" ama ninka layaabka leh kadib markii uu si wayn