Real Madrid Oo Dooneysa Kahor Kulanka PSG Ee Champions League In Heshiis Waali Ah Ay La Gasho Kooxda Arsenal Si Kaliya Ay Kaga Hesho Saxiixa Alexis Sanchez.

0
Tuesday December 12, 2017 - 12:49:54 in Wararka by
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Dooneysa Kahor Kulanka PSG Ee Champions League In Heshiis Waali Ah Ay La Gasho Kooxda Arsenal Si Kaliya Ay Kaga Hesho Saxiixa Alexis Sanchez.

    Real Madrid Oo Dooneysa Kahor Kulanka PSG Ee Champions League In Heshiis Waali Ah Ay La Gasho Kooxda Arsenal Si Kaliya Ay Kaga Hesho Saxiixa Alexis Sanchez.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid Oo Dooneysa Kahor Kulanka PSG Ee Champions League In Heshiis Waali Ah Ay La Gasho Kooxda Arsenal Si Kaliya Ay Kaga Hesho Saxiixa Alexis Sanchez.

Sida ay baahinayaan wararka ka imaanaya gudaha dalka England saraakiisha kooxda Real Madrid ayaa waxay doonayaan in dhigooda Arsenal ay u bandhigaan xidigooda Lucas Vazquez, si kaliya ay kaga helaan adeega laacibka ree Chile Alexis Sanchez.

Inkastoo Arsene Wenger sheegay in laacibka ree Chile Alexis Sanchez uusan ka tagi doonin Emirates Stadium suuqa firmi doono bisha January, hadana Real Madrid ayaa waxay ka shaqeeneysaa sida ay Gunners kaga dhaadhicin lahayd in laacibkeedan ay iska fasaxdo.

Los Blancos ayaa waxay si wanaagsan ka war qabtaa in Alexis Sanchez si xoogan lala xidhiidhinayo u dhaqaaqista Manchester City, kadib markii uu Pep Guardiola ku wargaliyay saraakiisha kooxda Sky Blues inay lasoo saxiixdaan laacibkan, laakiin Arsenal ayaa u muuqata mid wali ku dhagan saxiixa laacibkan inkastoo heshiiskiisa uu ku dhawyahay inuu soo idlaado.

 

Laakiin Real Madrid oo ay ka go’antahay inay lasoo wareegto Alexis Sanchez ayaa diyaar u ah in Arsene Wenger ay miiska u saarto adeega Lucas Vazquez, si kaliya ay gacanta ugu dhigto saxiixa laacibka ree Chile.

 

Hadii maamulka kooxda Real Madrid ay ku guuleystaan saxiixa weeraryahan Alexis Sanchez bisha Janaayo ee soo aadan wuxuu awoodi doonaa inuu kala qeyb galo tartanka xiisaha badan ee Champions League oo isku aadkisa wareega 16-ka kooxood maalinkii shalay la sameeyay isla markaana ay kaga beegmeen kooxda xili ciyaareedkan sida xoogan loo hadal hayo ee PSG.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip