WARBIXIN: Jose Mourinho Vs Pep Guardiola- Ka Hor Kulanka Manchester Derby, Wax Walba Oo Aad Uga Baahan tahay In Aad Ka Ogaaato Guul Kasta, Gool Kasta Iyo Xifiltankii Aan Hore Loo Arag Ee Soo Dhex Maray Mounho Iyo Guardiola.

0
Saturday December 09, 2017 - 10:09:46 in Wararka by
  • Visits: 1460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Jose Mourinho Vs Pep Guardiola- Ka Hor Kulanka Manchester Derby, Wax Walba Oo Aad Uga Baahan tahay In Aad Ka Ogaaato Guul Kasta, Gool Kasta Iyo Xifiltankii Aan Hore Loo Arag Ee Soo Dhex Maray Mounho Iyo Guardiola.

    Mucaashiqiinta kubbada cagta aduunka gaar ahaan kuwa Premier Leaque ayaa si wayn isha ugu haya kulanka Manchester Dery ee Old Trafford ku dhex mari doona kooxaha kaalinta kowaad iyo labaad Premier Leaque kaga jira ee Manchester City iyo Manchester Un

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mucaashiqiinta kubbada cagta aduunka gaar ahaan kuwa Premier Leaque ayaa si wayn isha ugu haya kulanka Manchester Dery ee Old Trafford ku dhex mari doona kooxaha kaalinta kowaad iyo labaad Premier Leaque kaga jira ee Manchester City iyo Manchester United. Waa kulan u dhexeeya laba kooxood oo ay colaad iyo xifiltan wayni u dhexeeyay waqti dheer, waxaana sii laba jibaari doona xurgufta iyo loolanka aan hore loo arag ee waqti dheer u soo dhexeeyay Jose Mourinho iyo Pep Guardiola iyada oo waliba ay sii xawaashayn doonto saamaynta uu kulankani ku yeelan karo tartanka koobka Premier Leaque..


Manchester United waxay joogtaa garoonkeeda Old Traffrod oo ayna wax guuldaro ahi ku soo gaadhin 40 kii kulan ee ugu danbeeyay laakiin Manchester City ayaa ahayd kooxdii ugu danbaysay ee Old Trafford soo aamusiisay ee guul ku soo gaadhay, waxayna Man City kulankan iskeeni doontaa iyada oo isha ku haysa in ay rekoodh cusub u dhigto Premier Leaque oo ay noqoto kooxdii abid ugu horaysay ee 14 kulan oo xidhiidh ah Premier Leauqe guulo gaadha.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiin ku soo gudbinaysa kulamadii iyo xamaasadii waalida ahayd ee soo kala dhex martay Jose Jose Mourinho iyo Pep Guardiola waqtiyadii ay ka soo shaqaynayeen kooxaha horyaalada Yurub ugu waa wayn iyada oo aanu eegi doono kulankasta natiijadii ay ku kala baxeen iyo waliba xaalado khaas ah oo soo kala maray labadan nin.

 

Guud ahaan Pep Guardiola ayaa ah tababaraha ka soo gacan sareeyay Jose Mourinho marka la eego kulamadii ay soo wada ciyaareen iyada oo macalinka ree Spain ee Guardiola uu 9 guuldaro baday Mourinho waxaana ka mid ah kulankii rekoodhayaasha ee ay Bayern Munich ku garaacday Chelsea wuxuuna Mourinho dhinaca dhulka u soo dhigay Guardiola 4 kulan halka 6 kulan ay ku soo dhamaadeen barbaro laysku dhinac dhacay.

Mar Mourinho wax laga waydiiyay in Guardiola uu ka gacan sareeyo ayuu taas iska diiday wuxuuna yidhi: "Xogtaadu waa qalad aad ayay qalad u tahay. Halkaas tag oo arag wixii dhacay afar dhamaadkii Champions Leaque ee Inter. Waxaan Copa Del Rey ugu guulaystay Valencia, waxaa Spain ugu soo guulaystay Super Cupka, waxaan ahaa Championska Spain, waxaan Real Madrid kula guulaystay kulankii Barcelona ee koobka”.

Haddaba si aynu dib ugu xusuusano dhacdooyinkii iyo kulamadii soo dhex maray kooxihii ay kala hogaaminayeen Jose Mourinho iyo Pep Guardiola iyo dhacooyinkii gaarka ahaa aan hoos ugu degno warbixintan isla markaana aan ka soo bilawno kulamadii ugu horeeyay.

Inter Milan 0-0 Barcelona

Heerkii Champions League group Champions oo ka dhacay San Siro (16/09/2009)

Wuxuu ahaa kulankii ugu horeeyay ee aas aaska u ahaa xifiltanka aan dhamaadka lahayn ee Jose Mourinho iyo Guardiola waxayna markii ugu horaysay isku arkeen gegada San Siro markaas oo ay Barcelona kulan heerka Groupyada Champions Leaque ahaa ay Inter Milan marti u ahayd. Wuxuuna kulankii ugu horeeyay ku dhamaaday babraro gool la’aan ah.

Barcelona 2-0 Inter Milan

Kulankii Labad Ee heerkii Champions League group Ee Camp Nou (24/11/2009)

Jose Mourinho iyo kooxdiisii Inter Milan ayaa markooda isla sanadkii 2009 kii soo booqday Barcelona laakiin markan Jose Mourinho ayaa guuldaradii ugu horaysay kala kulmay kooxdii Barcelona ee uu Guardiola hogaaminayay waxaana Inter Milan guularo baday laba gool oo ka yimid Gerard Pique yo Pedro Rodriguez.

Inter Milan ayaa la duubay waxaana sida uu doono ka yeelay Xavi Hernandez oo ku jiray waqtigiisii layaabka lahaa waxaana habeenkii oo dhan hadhkiisa ahaa Thiago Motta iyo Esteban Cambiasso waxayna Mourinho iyo kooxdiisii Inter Milan iyaga oo murugaysan ka baxeen albaabka Camp Nou. Calool xumadii uu markaas Mourinho ka qaaday Guardiola iyo Barcelona ayaa noqtay mid aanu marnaba ilaawin.

Inter Milan 3-1 Barcelona

Lugtii hore ee Wareegii Afar Dhamaadka Ee Champions League Ee San Siro (20/04/2010)

Alla macaa in aad markaaga aarsataa!, Sida aan soo sheegnay murugadii Mourinh ku soo gaadhay Camp Nou iyo qaabkii kooxdiisa loo ciqaabay waxay ahayd wax aanu marnaba ilaawi karin, wuxuuna helay markiisa fursadii uu ku aaarsan lahaa. Waxay ahayd April 20, 2010 kii markii ay Barcelona soo gashay San Siro iyada oo marti u ahayd Jose Mourinho iyo kooxdiisii bilo ka hor soo garaaceen.

Laakiin markan sheekadu waxay noqotay mid gabi ahaanba sidii hore ka duwan waxaana bandhig cajiib ah samaysay Inter Milan oo 3-1 ku dubatay kooxdii Guardiola ee Barcelona, wuxuuna ahaa kulankii lugta hore ee afar dhamaadka Champions Leaque. Pepro Rodriguez ayaa neefta dib ugu celiyay San Siro wuxuuna Mourinho xusuusiyay guuldaradii Camp Nou.

Laakiin Diego Milito, Samuel Eto’o iyo Wesley Sneijder ayaa sameeyay bandhig ayna si sahlan ku ilaawi karin isla markaana uu Mourinho wali si fiican u xuusan karo kadib markii kulankaas lagu xusuustaa Milito oo Barcelona kala dhantaalay.

Barcelona 1-0 Inter Milan (wadar: 2-3)

Lugtii labaad ee Wareegii Afar Dhamaadka Ee Champions League Ee Camp Nou (28/04/2010)

Jose Mourinho iyo Inter Milan ayaa cagta soo saaray cawska Camp Nou iyaga oo haystay guushii kulankii lugtii hore ee 3-1 ka ahayd, waxayna Barcelona u baahnayd in ay ka soo kabsato musiibadii San Siro ugu soo habsatay. Mpurinho ayaa bilaabay sheekadiisii uu caanka ku soo noqday oo ah in uu baska si buuxda ugu baakinto Camp Nou taas oo si buuxda u caawisay.

Lucio iyo Walter Samuel oo markaas ahaa ragga uu Mourinho ku dhaadanayay ayaa Barcelona la degay laakiin Inter Milan ayaa awooday in ayna waxba u noqon kaadhkii casaa ee Motta uu ku qaatay Sergio Busquets, wuxuuna Mourinho awooday in markii ugu horaysay tan iyo 1972 kii uu Inter Milan u soo saaray finalka Champions Leauqe.

Gerard Pique ayaa daqiiqadii 84aad Barcelona u keenay goolka kaliya ay ay guusha ku gaadheen lakaiin dhamaadkii ciyaarta Bojan ayaa shabaqa soo taabtay laakiin si muran ku jiray ayuu garsooruhu goolkan ugu diiday in Yaya Toure ay gacanta kaga dhacday waxayna Inter Milan ku soo baxday wadarta labada kulan oo ah 3-2 wuxuuna Mourinho markan reebay Barca inkasta oo uu Guardiola guuldaro kala kulmay.

Barcelona 5-0 Real Madrid

Kulankii La Liga ee Camp Nou (29/11/2010)

Xaqiiqdii Jose Mourinho ayaa Guardiola iyo Barcelona kala kulmay ceebtii ugu waynayd ee waayihiisa tababaranimo kadib markii ay Barcelona 5-0 ku gumaadya kooxdii Real Madrid ee uu macalinka ree Portugal hogaaminayay. Kulankii El Clasico ee ugu horeeyay ee uu Mourinho ka hor yimid Barcelona ayaa ku dhamaaday ceeb iyo fadeexaad uu jeclaan lahaa in ayna taariikhdiisa ku jirteen.

Wuxuu ahaa kulan uu Guardiola sagaalka beenta ah ka soo ciyaarsiiyay Lionel Messi isla markaana uu xidiga ree Argentina bandhig layaableh sameeyay manay jirin jawaab ay heli kareen difaaca Madrid oo ay markaas ku joojin kareen Messi iyo Xavi oo uu ku jiray waqti layaableh.

David Villa ayaa laba kulan kulankan ka dhaliyay waxayna ahaayeen laba gool caawin oo uu Messi sameeyay waxayna guuldaradani abuurtay colaadii ugu waynayd in ay dhex marto Mourinho iyo Guardiola iyada oo markale Mourinho uu calaamadsaaday ceebta soo gaadhay.

Real Madrid 1-1 Barcelona

Kulankii La Liga ee  Santiago Bernabeu (16/04/2011)

Waxa uu ahaa kulan ka mid ahaa afar kulan oo dhex maray Barcelona iyo Real Madrid muddo laba usbuuc ah iyada oo Barcelona siddeed dhibcood ka horaysay Real Madrid isla markaana waxay xaqiiqjisatay ku guulaysiga koobka La liga. Waxaana kulankan goolal rekoodhayaal ahaa iskguu jawaabay Messi iyo Ronaldo waxayna markan Guardiola iyo Mourinho galeen barbaro 1-1 ah.

 

Barcelona 0-1 Real Madrid

Finalkii kulankii Copa del Rey ee Mestalla Stadium  (20/04/2011)

Afar maalmood kadib kulankii Bernabeu tababare Jose Mourinho oo wali xusuusan ceebtii guuldaradii 5-0 ka ahayd ee aanu wali ka aarsan Guardiola ayaa helay fursadii uu markan isku muujin lahaa ee uu Barcelona iyo Guardiola kaga qaadi laaha koobka Copa Del Rey.

Goolkii layaabka lahaa ee uu Cristiano Ronaldo ku dhaliyay karooskii cajiibka ahaa ee Di Maria ee waqtigii dheeriga ahaa ee Mestalla Stadium ayaa go’aamiyay in Jose Mourinho uu koobkii ugu horeeyay ka taabtay Barcelona iyo macalinkoodii Guardiola.

Real Madrid 0-2 Barcelona

Kulankii Lugtii hore Ee Afar Dhamadkii Champions League- Santiago Bernabeu (27/04/2011)

Silsiladii El Clasico ee maalmaha xidhiidhka ahayd ayaa sii socotay waxaana markale ay Jose Mourinho iyo Pep Gardiola iskugu soo galeen Santiago Bernabeu iyada oo markan Guardiola iyo kooxdiisu ay ka cadhaysan yihiin in ay Copa Del Rey waqtigii dheeriga ahaa uu waayeen Real Madrid.

Wuxuu ahaa kulan ka tirsanaa afar dhamaadkii Champions Leaque gaar ahaan lugtii hore waxaana kulankan go’aamiyay Lionel Messi oo laba gool ku dhaliiyay Bernabeu si uu guuldaro u bado Mourinho wuxuuna goolka hore Messi ku dhaliyay caawin uu ka helay Ibrahim Afellay halka goolka labaad uu Messi ku dhaliyay kubbad ay soo wada ciyaareen Sergio Busquets isla markaana uu si layaableh ula dhex orday ciyaartoydii uu Mourinho ku xidhay xidigta ree Argentina wuxuuna markii labad gaadhay shabaqa uu Iker Casillas ilaalinayay.

 

Barcelona 1-1 Real Madrid (Wadarta. 3-1)

Kulankii Lugtii hore Ee Afar Dhamadkii Champions League s- Camp Nou (03/05/2011)

Jose Mourinho iyo kooxdiisii Real Madrid ayaa kulankii lugtii labaad ee afar dhamaadkii Champions Leaque waxay soo galeen Camp Nou iyaga oo ku fikirayay in ay ka soo kabsadaan guuldaradii Bernabeu laakiin gool uu Pedro Rodriguez dhaliyay ayaa dilay rajadii ay ka qabeen in ay u soo baxaan finalkii UEFA Champions Leaque.

Marcelo ayaa Real Madrid u keenay goolka barbaraha laakiin ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 1-1 ah taas oo keentay in wadarta labada kulan ay Barcelona ku soo baxday 3-1 ah wuxuuna Guardiola tartankan ka cidhibtiray Jose Mourinho.

Real Madrid 2-2 Barcelona

Kulankii Lugtii Hore Ee Spanish Super Cup – Santiago Bernabeu (14/08/2011)

Maadaama oo ay Real Madrid ku soo guulaystay Copa Del Rey isla markaana ay Barcelona soo qaaday koobka La Liga waxay Guradiola iyo Mourinho bilawgii xili ciyaareedka cusub ay iskaga hor yimaadeen kulankii lugtii hore ee Spanish Superka oo ka dhacday Santiago Bernabeu waxayna galeen barbaro 2-2 ah.

Lionel Messi iyo David Villa ayaa qaybtii hore ee ciyaarta Barcelona min hal gool u dhaliyay halka Mesut Ozil uu isna Madrid gool u saxiixay laakiin Xabi Alonso ayaa qaybtii danbe ee ciyaarta Madrid ka badbaadiyay guuldaro waxaana lagu kala baxay barbaro 2-2 ah.

Barcelona 3-2 Real Madrid

Kulankii Lugtii labaad Ee  Spanish Super Cup – Camp Nou (17/08/2011)

Saddex maalmood kadib Real Madrid oo uu hogaaminayo Jose Mourinho ayaa soo galay Camp Nou waxaana lagu tilmaamaa kulankan mid ka mid ah kulamadii ugu xamaasada waalnaa ee ay soo wada qaateen Guardiola iyo Mourinho isla markaana xifiltankooda ka dhigay mid aan dhamaad lahayn.

Markii ay ciyaartu ku sii dhawayd dhamaadka ayuu  Karim Benzema kooxdiisa Real Madrid ku soo celiyay tartanka koobka  laakiin daqiiqadii 88 aad Lionel Messi ayaa gool cajiib ah kooxdiisa Barcelona u dhaliyay waxaana qalad xun kulankan Cesc Fabregas ku galay Marcelo iyada oo Mesut Ozil iyo David Villa ciyaarta dibada laga dhigay laakiin Jose Mourinho ayaa si rabashad ah ku jawaabay isaga oo isha farta ka galiyay caawiyihii Guardiola ee Tito Vilanova kaas oo intii aanu cudurka kansarka u geeriyoon Mourinho koobka La Liga ka qaaday.

Real Madrid 1-3 Barcelona

Kulankii La Liga Ee Santiago Bernabeu (10/12/2011)

Iyada oo la sii xuusan yahay colaadii iyo rabshadii uu Mourinho ka sameeyay kulankii lugtii labaad ee Spanish Super Cupka ayay markale Guardiola iyo Mourninho iskaga hor yimaadeen kulan horyaalka La Liga ahaa oo la ciyaaray 10/12/2011 kii laakiin markale Barcelona ayaa 3-1 ku soo garaacday kooxdii Madrid ee uu Mourinho hogaaminayay wuxuuna Guardiola sii watay guulaha uu dhigiisa ka gaadhayay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip