Somalia wax badan ayaa la isku hormarinayaa!!!? NASASHADA JIMCAHA.Q -73-aad

0
Friday December 08, 2017 - 23:12:48 in Wararka by
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia wax badan ayaa la isku hormarinayaa!!!? NASASHADA JIMCAHA.Q -73-aad

    1-Wadaad ayaa Jimca kasta cid Qur'aan u aqri jiray, wadaadkii muddo looma yeerin, wiil ka mid ah qoyskii uu qur'aanka u aqrin jiray ayuu weeydiiyay, beryahaan qur'aankii aan aqri jiray la iiguma yeerin ee maxaa dhacay?. Wiilkii ayaa ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Wadaad ayaa Jimca kasta cid Qur'aan u aqri jiray, wadaadkii muddo looma yeerin, wiil ka mid ah qoyskii uu qur'aanka u aqrin jiray ayuu weeydiiyay, beryahaan qur'aankii aan aqri jiray la iiguma yeerin ee maxaa dhacay?. Wiilkii ayaa ku yiri: shiikhoow raali ahow wadaad tolka ah ayaan helnay. AR SOMALI IYO QABYAALAA !!!.(Fiiri sawirrka 1aad).

( Cali oo shaqaale wasaaradeed ahaa ayaa yiri: Agaasimahan cusub muddo 6 bilood ah ayaan la shaqeeynayay, waa nin wanaagsan oo ilaaliya xuquuqda shaqaalaha. Saaxiibkii Axmed ayaa ku yiri: Aniguba sidaa ayaan u arkaa waa nin wanaagsan oo reer Hebel ah. Cali oo wajigiisu is bedelay ayaa yiri: oo ma reer hebel ayuu ahaa!!, iga waloo aanan khayr laga sugayn, waa is yeelyeelayaa. Axmad ayaa ku yiri: oo amaantiisi qofeed oo aad ii sheegeeysay ma in uu reer hebel yahay ayaad ku hilmaantay).
2- Haweeneey 55 sanno jir ah, ayaa odaygii ka dhintay, mudda kadib ayaa waxaa Aroosay oday kale oo xaafadda deganaa. Habeenkii aqal galka ayaa labadoodii Salaadii Subax la wada tukaday. odaygii ayaa ku duceeyay (Alloow aniga iyo xaaskeeyga naga dhig kuwii Aduunyada isku raaga ,Aakhirana jinnada lagu kulansiiyo).




Islaantii ayaa xanaaqday oo ku tiri: War bal sug oo Ducada Aduunka ku ekeey, Jannada waxaa igu sugaya Xaajigii hore oo ahaa nin wanaagsan oo aan ilma adeer nahay.(Fiiri sawirka 2aad).
( AR SOMALI IYO QABIILAA!!!,Qabyaaladii Aakhiro iyo Jannadana ma loo gudbiyay).
3-Dhalin ayarada xaafada oo ka qadeeynayay xaflad Aroos ayaa nin oday ahi soo ag fadhiistay, cuntadiina dhinaciisa ka bilaabay. Odaygii ayaa weeydiiyay: horta gabadha la aroosayo qabiilkeed? Mid ciyaalka ka mid ahaa dhalinyaradii ayaa ku yiri: Adeer qabiilkeeda waxaa la yiraa, CUN ee DUCEEY, ISKANA BAX. ( Fiiri Sawirka 3aad).
( AR SOMALI IYO QABIILAA!!!,Sabtii Aroosyadana mala geeyay).
4-Nin oday ah ayaa Qurbaha wuxuu ku arkay Laba wiil oo gacmaha is heysta oo sidii haweenka u laafyoonaya, wuxuu ku yiri: Kuwani maxey ahaayeen? Waxaa lagu yiri: waa Lagaroonayaal ,waana is qabaan.
Markaa ayuu yiri: Malaha Somali ma ahan. Waxaa lagu yiri: Somali dheer iska dhaafe, midkood waa ina hebel oo tolka ah . Odaygii oo yaaban ayaa yiri: Waa Aduun lagu hoogay, ee walba keenu ma kor maraa?. ( Fiiri sawirka 4aad).
( AR SOMALI IYO QABIILAA!!!,Baqtigii xumaana ma qabyaalad ayaa lagu kala soocayaa?.).
5-Gabar magaceeda Nimco la yiraa oo lagu xanto inay qaraabato iyo nin ayaa qol ku wada jiray. Nin fadhiyay qolka darbigiisa banaanka ah ayaa telefon u soo dhacay, telefonkii ayuu qabtay wuxuuna yiri: ( walaal Nimcaa lagu jiraa), malaha xaaladiisa ayaa la weeydiiya.
Gabadhii oo hadalkiisa maqleysay ayaa ku tiri: Hooyadaa ayaa lagu jiraa, ma adigaa waxeyga illa leh. (Fiiri sawirka 5aad).
( Muxaafid iyo Mucaarad kii aad doonto noqo,laakin iska hubi ula jeedada waxaad maqashay iyo cidda loo la jeedo, ka hor inta aadan fekergaaga ka dhiiban,ha noqon kuwa Barha Bulshada inay ku buuqaan ………).
6-Magaalo ku taal Somalia ayaa Bandow lagu soo rogay, waxaana askarta lagu amray in qofkii socda wixii ka dambeeya 11 ka/5 saac oo habeennimo, in xabbad lagu dhufto.
Mid ciidanka ka mid ahaa ayaa oday waayeel ah, xabbad ku dhuftay 9: 30 / 3 saac iyo bar fiidnimo.
Markii la weydiiyay saacadii lama gaarin ee maxaad u dishay odayga? .intuu meydkii ku dul istaagay ayuu ku yiri taliyihii: Taliye, odaygani waa dhutinayaa, Xafadiisana anigaa aqaan waa fogtahay, 11: 30ka Ka horna ma tagi karyo Gurigiisa. Dhimashadiisii ayaan u hormariyay, khalad miyaan galay taliye? (Fiiri sawirka 6aad).
( Somalia wax badan ayaa la isku hormarinayaa).
Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip