Farshaxaniiste caan ka ah Muqdisho oo ku geeriyooday Nairobi

0
Thursday December 07, 2017 - 11:02:17 in Wararka by
  • Visits: 1472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farshaxaniiste caan ka ah Muqdisho oo ku geeriyooday Nairobi

    Farshaxaniiste caan ka ah magaalada Muqdisho ayaa shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ka dib Markii uu u Geeriyooday Xanuun Maalmahaan hayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farshaxaniiste caan ka ah magaalada Muqdisho ayaa shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ka dib Markii uu u Geeriyooday Xanuun Maalmahaan hayay.

Allaha u Naxariistee Farshaxaniiste Cabdullaahi Cabdiraxmaan Cabdullaahi {Yariisoo-Alif) ayaa sida ay xaqiijiyeen eheladiisa Geerida ku timid Isagoo  ku suganaa isbitaal lagu dabiibayay xaaladiisa caafimaad.

Farshaxaniiste Cabdiraxmaan Alif ayaa la sheegay in Cudurro dhowr ah oo uu ka mid yahay Xanuunka Kaadi-Macaanka la Xanuunsanayay Mmaalmihii ugu dambeeyay Noloshiisa.

Allaha u Naxariistee Marxuumka ayaa ka tegay Xaas iyo Caruur deggan Magaalada Muqdisho, iyadoo Eheladiisana ay iminka ka Tashanayaan halkii lagu aasi lahaa

. 

Artiste C/raxmaan Alif ayaa ku caan baxay Sawir Gacameedyada oo uu inta badan ku muujin jiray ahmiyadda ay leedahay nabadda iyo kuwo kale oo dhinaca bulshada horumarkeeda tilmaamayay.

 

Bahdawabka Mogadishu ttmes iyo Bahda Shabakadda Somaliweyn iyo Weriyeyaasha Muqdisho ayaa Tacsi u diray Ehelada Marxuumka, iyagoona Alle uga Baryay inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo isla Markaana Samir iyo Iimaan ka Siiyo ehelada, Asxaabta iyo Guud ahaan Bahda WarfaafintaSoomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip