Wax ka baro Taariikhda dalka Yemen.

0
Tuesday December 05, 2017 - 21:03:34 in Maqaallo by
  • Visits: 2048
  • (Rating 3.3/5 Stars) Total Votes: 3
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wax ka baro Taariikhda dalka Yemen.

    Dalka Yemen waxaa la yiraahdaa Jamhuuriyadda Yemen waxaana uu ku yaalaa Galbeedka Qaaradda Aasiya waxaana uu ka mid yahay wadamada la isku yiraahdo dunnida Carabta. Dalkaan oo juquraafi ahaan dhaca dhanka koofureed ee jaziiradda Carabta Wuxuu xaduud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Yemen waxaa la yiraahdaa Jamhuuriyadda Yemen waxaana uu ku yaalaa Galbeedka Qaaradda Aasiya waxaana uu ka mid yahay wadamada la isku yiraahdo dunnida Carabta. Dalkaan oo juquraafi ahaan dhaca dhanka koofureed ee jaziiradda Carabta Wuxuu xaduud la leeyahay Sacuudiga, badda Cas, gacanka Cadan, badda Carbeed, iyo Cuman waxaana loo aqoonsan yahay dalka labaad ee dalalka jaziiradda Carbeed ugu weyn.

Calanka dalka Yemen wuxuu ka kooban yahay midabada Casaan,cadaan iyo Madow siman, tiradda dadka Yemen u dhashayna waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 27-million oo qof.

Caasimada dalkaas waa Sanca waana magaalada ugu weyn caasimada labaadna waxaa la yiraahdaa Cadan waxaana dalkaan ku yaala qiyaastii 200 oo jaziiradood.
Marka Yemen la joogo gaadiidku waxay isku dhaafaan dhanka midig lacagta dalkaasna waxaa la yiraahdaa Yemeni Riyal.



Luuqadda rasmiga ah ee dalka waa Af Carabi diinta dawladu aqoonsan tahayna waa Islam.
Dalkaan oo taariikhyahanadu sheegaan in waagii hore loo aqoon jiray Al-Yamanaat wuxuu xiriir ganacsi la lahaa dalal ku yaala geeska Africa.
Wadankan wuxuu caalamka ku leeyahay taariikh fac weyn, tusaala ahaan mar waxaa ka talin jirtay boqortppyadii Balqiisa oo maamuli jirtay boqoortooyadii Sabba,Boqoradan ayaa waxay nooleed xiligii Nabi Suleymaan waxay ahayd boqorad awood badan oo xiligaa ka talinaysay dhul balaaran oo ka mid ah dalka Yemen, boqoradan ayaa waxaa lagu sheegay tariikh nololeedkeeda Qur’aanka kariimka ah, iyada sooyaal cajiiba uu dhex marey boqorkii awoodda badnaa Nabigana ahaa ee Suleeymaan Allaha ka raali noqddee.
Dalkan ayaa sidoo kale waxaa xiliyo kala gadisan soo maamulay imaaradihii kala gadisnaa Islaamka iyada oo ay ugu dambaysay Boqortooyadii Islaamiga ahayd ee Cusmaaniyiinta.
Dhanka Diimaha markaan eegno wadanka dadaka ugu badan waa muslimiin Suniyiin ah oo lagu qayaaso boqolkiiba 56.36% inay ka yihiin Bulshada guud ee dalka Yemen,Shiicada gaar ahaan qeybta Yaziidiyada boqolkiiba 42.10% ayay iyaguna yihiin, shiicada qeybta ee Ismaaciliyada iyaduna waa 1.51% inta soo hartana waxaa la sheegay inay diima kala gadisan heesteen oo ay ka mid yihiin Nasaarada iyo Yahuudda.
Marka laga hadlayo dhaqanka dadka Yamaniyiinta ah gaar ahaan dharka, ragu waxay xirtaan macawis ama hoos xir qeybta sare ee jirkana waxay qaataan shaati iyo cimaamad madax lagu duubayo,sidoo kale waxaa dalka dhaqan ka ah in Ragu ay ku hubeesnaadaan Toorey, taa oo muujineeysa in qofku mar walba dagaal diyaar u yahay.
Dhanka Dumarka marka aan eegno waxay xirtaan dharka caadiga ah ee asturan oo ay qaateen gabdha ku nool guud ahaan dunida islaamka.


Yemen ayaa waxaa la sheegaa inay ka mid tahay wadamada sida weyn ay uga jirto Qabyaaladdu, waxaana dalka ka jira kooxo u abaabulan hab Beeleed oo heesta hub fara badan,waxaana had iyo jeer dalka ka dhaca dagaalo u dhaxeeya maleeshiyo isu dirirayso qaab Beeleed ah.
Dadka wadankan waxay aad u cunaan maandooriyaha Qaadka waxaana qiyaas dhawaan la sameeyay lagu sheegay in 90% raga u dhashay wadanka ay yihiin muqayiliin, qayaastana ayaa sidoo kale lagu sheegay in 4-tii duamraba ay mid ka mid ah ay qayisho.
Wadankaan aanu ka hadlayno ee Yemen wuxuu ahaan jiray labo wadan oo ay kala haysan jireen labadii boqortooyo ee Cusmaaniyiinta iyo Ingiriiska horaantii qarnigii 20-aad.
Markii uu dhamaaday dagaalkii 1-aad ee dunnida waxaa la aas aasay dalkii la oran jiray waqooyiga Yemen sanadkii 1967 waxaa la sameeyay dalkii kale ee koofurta Yemen.


Labadii Yemen ayaa la mideeyay 22-kii bishii May sanadkii 1990-kii,waxaana Madaxweyne ka noqday Cali Cabdalla Saalax oo shalay lagu dilay weerar ka dhacay magaalada caasimada ah ee Sanca.
Cali Cabdallaha Saalax ayaa ka hor inta uusan xilka ka tagin sanadkii 2012 wuxuu dalkaasi maamulayay in ka badan 20-sano,balse banaaan baxyo xooggan oo lagu diidayo xukunkiisa ayaa soo dadajisay inuu isaga tago xukunkii uu haya, isaga oo dalka aana ka bixin markii uu xilka ka dagay wixii ka dambeeyay.
Wixii xilligaas ka dambeeyay dalku wuxuu galay xaalad dagaal oo kooxda Shiicadda ah ee Xuutiyiinta ah ayaa inta badan qabsatay dalka,Cali Cabdalla Saalax qudhiisu wuxuu shiicada siiyay awoodda ugu badan oo ay ku qabsadeen dhulka aan tirada yarayn oo ay maanta gacanta ku dhigeen,Balse ciidamada xuutiyiintu waxay ku guulaysteen inay kala furfuraan ciidamadii awoodda badnaa ee Saalax dhowr sano ka hor kula biiray kooxda Xuutiyiinta.

AFP_UU9L0

Kooxdan ayaa waxaa u suurtagalay inay qabsadaan 45% dhulka guud ee dalka Yemen wadankana ay ceyriyaan madaxweynaha caalamku aqoonsn yahay ee Cabdi Rabi Mansuur Al-Hadi oo sanadihii ugu dambeeyay dibad joog ahaa.
Bishii September sanadkii 2014-tii kooxda Xuutiyiinta ah ayaa qabsaday caasimada dalka ee Sanca waxayna ku dhawaaqeen inay iyagu dalku maamulaan taasna waxay keentay in dawladaha Khaliijku fara galin ciidan ku sameeyaan dalkaas taasoo keentay in xanibaada la saaray ay saameysay 17 million oo qof oo Yemeniyiin ah.

AFP_UH9TO

Dagaalada Bariga ah iyo duqeeymaha cirka ah oo ay soo kala baritaarayaan sucuudiga iyi Iiran waxay dalka Yemen ka dhalisay xaalad bin’aadanimo tii ugu liidatay,iyada oo dhawaan warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay lagu sheegay in dalka ay ka jirto macaluushii ugu xumayd dhawaanahan soo marta caalamka, iyada oo dhanka kale la sheegay in 25-million oo qof oo ay ka kooban yihiin dadka reer Yemen 20-million oo ka mid ah ay u baahan yihiin gar gaar dag dag ah.
Dagaalka ka socda Yemen ayaa waxaa loo badaniyaa in waji cusub uu u sameeyo dilka ay xuutiyiintu u geysteen madaxweeynihii hore ee wadankaasi Cali Cabdalla Saalax,iyada oo la sheegayo xulafada uu hogaaminayo Sacuudigu ay sii xoogaysanayaan dagaalka ay ka wadaan Yemen.

WD: Burhaan Diini Faarax



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip