Dhalinyarooy maskax iyo muruq.

0
Monday December 04, 2017 - 12:21:33 in Wararka by
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyarooy maskax iyo muruq.

    Dhalinyarooy waa iga talo, inta aynan murquhu kaa daalin ka hor, maskaxdu yeeyna kaa daalin. Horuumar ka feker.( fiiri sawirka 1aad)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyarooy waa iga talo, inta aynan murquhu kaa daalin ka hor, maskaxdu yeeyna kaa daalin. Horuumar ka feker.( fiiri sawirka 1aad)


Adiga oo aan waxba qaban ha daalin, dad badan ayaa waqtigooda ku dhumiyo wax aan iyaga khuseeyn ama ayna ka faa’iideeyn Aduun iyo Aakharo.

Qaar ayaa waqtiga ku dhumiya shakhsiyaad ciyaartooy ah, siyaasiyiin ah, qabiil, iyo qorsho ayna ogeeyn wax looga dan leeyahy.

Ka feker xaaladaha iyo saameeyntooda guud iyo gaar. Tan dalka iyo taada gaarka ah.

Caalamku waa dhab waxaan la leenahay xiriir,Somali kaligeed Jasiirad kuma noola. caalamku waa na kaalmeeyaa, waa dhab laakin ka feker kaalmadu ma tahay mid kaa saari karta xaalada aad ku jirto? Mise waa mid loogu talagalay in lagu siiyo, si aad xaaladaada ugu sugnaato.( Fiiri sawirka 2aad).

Ha isku mashquulin oo kaliya Xildhibaankaan, Siyaasigaan, Masuulkaan, iyo SACAANU siduu ku koray saqafka guriga, ee ka feker haddii ayna dani kuugu jirin sideen Sacaan uga soo dajiyaa saqafka. (fiiri sawirka 3aad).

Xirfadda aad baratay Bad iyo berri wax waad ku tari kartaa dadka, hal geed oo aad gurigaaga ku dhax talaasho ama mid banaanka ku yaal oo aad maalin waraabiso waa wax qabad,ha yareeysan waxa aad qaban karto maalin kasta.

Dhalinyarooy maskaxdaada isticmaal, haddii kale adiga oo aan ogeeyn ayaa rag kale maskaxdaada kuu isticmaali doonaan.

FG: Haddii ayna taladeeydu kula toosneeyn, yeeyna waqti kaa dhumin ee iska tuur.

Towfiiqda Alla Hana haleeshiiyo.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip