Federal ma aadan fahmin,Caasi Qaran NASASHADA JIMCAHA. Q-72aad.

0
Friday December 01, 2017 - 20:07:20 in Wararka by
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Federal ma aadan fahmin,Caasi Qaran NASASHADA JIMCAHA. Q-72aad.

    1-Wiil, gabar shukaansanayay ayaa ku yiri: Macaanto, wallaahi hadda gaari ayaan wadaa ee i sug, kadibna wuxuu soo qaatay baabuur VIP ah oo Adeerkii lahaa, markii ay baabuurkii soo ag istaagtay ayuu ku yiri: Baabuurkan nuuciisa lagama helo magaalada x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Wiil, gabar shukaansanayay ayaa ku yiri: Macaanto, wallaahi hadda gaari ayaan wadaa ee i sug, kadibna wuxuu soo qaatay baabuur VIP ah oo Adeerkii lahaa, markii ay baabuurkii soo ag istaagtay ayuu ku yiri: Baabuurkan nuuciisa lagama helo magaalada xowligiisuna waa dheereeyaa,shil ayaan ka baqayaa, aan iska maja baxsano oo aan casho kaa soo siiyo PARIS Resrurant.

Markii la tagay Resturantigii ayuu fahmi waayay meel uu ka bilaabo shukaansigii,waxaa raadiyaha soo galay hees Aweys Khamiis uu qaadayo uuna leeyahay "Taagtaagsashaa lagu tanaadaa”. Gabadhii ayaa weeydiisay wuxuu sheegayo fanaanku, wuxuu ku yiri: waxa uu leeyahay "Taataabashaa lagu tanaadaa”.(Fiiri Sawirada 1,2,3,& 4aad).



( Yac, dhalinyaroyooy,Gabdhaha beenta ka dhaafa, Gabdhow adinkuna wiilasha gadaal u fiiriya oo wax iska hubiya, waa iga tallo).
2- Wiil ayaa dhibay Hooyadii, markaa ayay ku tiri: Naga tag ,waa na dhibtee, lagu sii qaadye. Markaa ayuu ku yirii: Aamiin, Hooyo maanta waad ii duceeysay, Halkaa iyo qurbaha Allow la ii sii qaado.( Fiiri sawirka 5aad).
3-Motonte iyo Batente……Nin reer waqooyi ah ayaa 1960-kii Xamar yimid, xafiisyada dowladana waxaa looga shaqeeyn jiray Af Talyaani, waxa uu bartay xoogaa Af Talyaani ah, asaga oo baabuur wada ayaa waxaa joojiyay ninTraafik ah,wuxuu ku yiri: Ma heeysataa BATENTE? Darawalkii ayaa ku yiri: Haa. Boliskii Tarafikada ayaa ku yiri: i tusi. Surwaalkii ayuu iska siibay ,wuxuuna ku yiri : Waa kana MOTONTE- heygii. Wuxuu isku qalday, Batente( Leesinka ) iyo Motonte( kasuumo ama Nigis).( Fiiri Sawirada 6, 7aad).
( Madaxweyne maamul gobaleed ayaa lagu yiri: Maxaa cadaynaya inaad tahay federal, wuxuuna yiri: Waxaa cadaynaya dowladda dhexe kama amar qaato, halka ay qaraabka ka doonato ayaan anna ka doontaa, wadamada deriska waxaan la gala heshiis…. Waxaa lagu yiri: Federal ma aadan fahmin,Caasi Qaran ayaad tahay, waxaad gashanee kaba kaa waaweyn , "Fiiri Sawirada 8,9,10aad”. Gofernatoore iyo madaxweeyne ayuu isku qalday).
4-Nin tuugsanaya ayaa habeen wuxuu soo maray rag gurigooda hortiisa ku sheekeeysanayay, markaa ayuu ku yiri "ii gargaara” waxay ku yiraahdeen "Allah ha noo sahlo” Markaa ayuu ku yiri: "Xitaa jab rooti ah oo qalayl ah maad i siisaan” Markaas ayay ku dhaheen: "Ma haysano” Markaa ayuu ku yiri: ”Walba koob biya ah i siiya ? Waxay ku yiraahdeen waxba ma heyno. Wuxuu ku yiri: maxaad meesha la fadhidaan ina keena aan soo wada dawarsanee.
( Nin isbaariiste ahaa ayaa shaqa laga siiyay xafiis dowladeed, shaqaalihii ayuu weeydiiyay: Mushaar bishan ma la idin siiyay, waxay ku yiraahdeen,maya. wuxuu ku yiri: baabuur raac ma la idiin siiyaa? Waxay ku yiraahdeen maya. Wuxuu yiri: Qayilaada yoowmiga ahna ? waxay ku yiraahdeen ,Maya. Wuxuu ku yiri: Haddaba na keena aan Isbaaro wada dhiganee).
5-Juxa ayaa saaxiibkii ku yiri: ila talli ,aniga ,xaaskeeyga ,7 deeyda caruurta ah iyo sodogteey ayaa hal qol ku wada nool. Waxa uu ku yiri saaxiibkii: Dameer soo iibso ee qolka dhinac uga xareey. Subaxdii dambe ayuu juxa ku yiri: dhibtii igama yaraan, saaxiibkii ayaa ku yiri: Toban xabo oo digaag ah soo iibso oo qolka ku soo xareey. Maalintii dambe ayuu ku yiri: dhibtii igama yaraan oo waaba ka sii dartay. Saaxiibkii ayaa ku yiri: Berri dameerka iska sii iibi, berri dambana digaaga, kadibna ii imaad.
Maalintii saddaxaad ayaa Juxa u yimid asaga oo leh: khayr Alla haku siiyo ,xalay waan ka nastay dhafarkii dameerka iyo digaaga, si fiican ayaana u seexday. (fiiri sawirka 11 aad).
(Shacabkan somaaliyeed armaa loo qorsheeyay,dhib aan jirin si ay u ogolaadan dhibaatadii Hore oo ay rabeen in ay ka baxaan, ma fahamtay?!)
6- Wiil reer Gaalkacyo ah iyo mid reer xamar ah ayaa la wada siiyay 1000 Sh.So. mana jiro sarif kunka ka yar oo lagu sarifo. Kii reer gaalkacyoodaka ahaa ayaa u sheekeeynayay kii kale, mar kasta waxa uu ku hal qabsadaa ,Ma ila socotaa? Oo uu uga jeedo ma i fahamtay?.Kii reer xamarka ahaa ayaa ku yiriaa mar kastaba ,Haa waan kula socdaa, inteen ku kala hareeynaa kun shillin aa isaga keen dhagane. (Fiiri Sawirka 12aad).
( Somaaliyeey inteen ku kala hareeynaa? Dal, Dad, Diin, iyo Deeq ALLA na siiyay ayaa isaga keen dhagane).

Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip