QISO QAMUUNYO LEH: Marnaba Ma Fahmi Kartid Macnaha Bini'aadannimadu Leedahay.

0
Thursday November 30, 2017 - 15:39:48 in Maqaallo by
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QISO QAMUUNYO LEH: Marnaba Ma Fahmi Kartid Macnaha Bini'aadannimadu Leedahay.

    QISO QAMUUNYO LEH: Marnaba Ma Fahmi Kartid Macnaha Bini'aadannimadu Leedahay. Waxaan kula kulmay Sylvester Mumba magaalada Livingstone ee dalka Zambia sanadkii 2012kii halkaas oo aan fasax ku tagey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QISO QAMUUNYO LEH: Marnaba Ma Fahmi Kartid Macnaha Bini'aadannimadu Leedahay. Waxaan kula kulmay Sylvester Mumba magaalada Livingstone ee dalka Zambia sanadkii 2012kii halkaas oo aan fasax ku tagey.

Sylvester wuxuu ku iibin jiray oo ka ganacsan jiray waxyaabaha Alwaaxda laga sameeyo meel lagu magacaabo Munkuni Park ee magaalada Livingstone.

Wuxuu ahaa xirfad yahan aad wax ugu naqshadeeya Alwaaxda wuxuuna karti u lahaa inuu Alwaaxda qaab la jecleysan karo u sameeyo.

Waxaan helay Lambarkiisa kadib markii aan ka codsaday inuu ii sameeyo qariirad Alwaax ka sameysan oo ah tan Mareykanka magaceyguna ku dul qoran yahay.

Waxaan ahaa 23 jir aan la qabin markii aan la kulmay mana dareemin farxad waxaan ahaa qof keli ah waxaanan wici jiray Sylvester markasta oo aan cidlo dareemo saacado badan ayaan sheekeysan jirnay si xiriir ah.

Ingiriiskiisu ma wanaagsaneyn laakiin anigu wax kasta waan fahmayey wuxuuna ii sheegi jiray sida aan isku daneyneyno maxaayeelay xiriirkeenu wuxuu ahaa mid joogto ah.

Kadib lix bil kadib ayaan ku ballanay inaan USA kasoo tago uguna imaado Sylvester Zambia, aad ayaan u shaqeeyey si aan lacag igu filan u helo ugu dambeyn waxaan goostay ticketkii waxaana u jiheystay Zambia qiimaha ticketku wuxuu ahaa $1,357.

Waxaan joogay Zambia bil si degdeg ahna Waa isku guursanay arooskii kadibna waxaan uga soo tagey Zambia oo dib ayaan ugu laabtay USA.

Markii aan imid USA waxaan u qabtay qareen si uu iiga caawiyo inaan Sylvester keeno USA ugu dambeyn waxaa la siiyey green card sidaas ayuuna iigu yimid USA bishii May 2013, aroos kale ayaan USA ku dhiganay maadaama aan aad isku jecleyn.

Waxaan sidoo kale ka caawiyey Sylvester inuu helo shaqo iyo gaari uu shaqada ku gaaro oo dhaqdhaqaaqiisu u sahlanaado si tartiib ah ayuuna ula qabsaday dhaqanka America Ingiriiskiisana horumar ayuu sameeyey.

Waxaan u sheegay Sylvester in dadka Zambia ee USA jooga inay xanta iyo isku dirka jecel yihiin mana jecla in walaalkood Zambianka ah inuu horumar gaaro, saaxiibada Zambianka la ah Sylvester Waa I soo wacaan waxayna ii sheegaan in Sylvester uusan I jecleyn laakiin uu USA inuu yimaado rabay markii uu sharci weyn helana iga tegi doono.

Aniga dan kama lahayn waxa dadku sheegayo waxaa ii muuqday jacaylka aan u qabo ninkeyga waxaana go’aansannay ineynaan dhex gelin Zambianka si xantooda aysan noo saameyn.

Aad ayaan u faraxsanahay illaa bishii June ee sanadkaan markaasoo Sylvester ay xireen boliiska kadib markii lagu qabtay daroogo lagu siray oo saaxiibo Zambian ah ay gaarigiisa ugu qariyeen boliiskana ku dacweeyeen si loo qabto.

Sylvester waxaa lagu celiyey Zambia 3 usbuuc ka hor waxaan isku dayey inaan baajiyo celintiisa laakiin waa ii suuroobi weysay iyadoo shuruucda socdaalka ee maamulka Trump aad loo adkeeyey dadkana loo tarxiilo qaladaad yaryar.

Murugadu waxay tahay Zambiankii saaxiibka la ahaa ninkeyga inay iga codsanayeen inaan xiriir la sameeyo markii ay maqleen xarigga Sylvester.

Sylvester wuxuu ka tagey dalka Mareykanka 3 usbuuc ka hor wuxuuna isdaldalay 24 november iyadoo lagu aasay 27 November 2017 tuulo ay waalidkiisa ku nool yihiin oo ku taal woqooyiga Zambia.

Aad ayey niyaddu iiga dilan tahay mana awoodo inaan u safro Zambia” Duco iyo tacsi ha iga gaarto qoyskiisa.

Waxaa dhigay: Bashiir Maxmud





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip