Waa kuma Muuse Biixi? Taariikhdiisa oo Kooban

0
Tuesday November 21, 2017 - 18:21:44 in Wararka by
  • Visits: 1078
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma Muuse Biixi? Taariikhdiisa oo Kooban

    Magaciisa oo buuxa waa Muuse Biixi Cabdi waxaa uu qiyaastii sanadkii 1947 ku dhashay magaalada Hargaysa ee hadda xarunta u ah Soomaaliland. Waxbarashadiisa inta badan waxaa uu ku soo qaatay waqooyiga Soomaaliya hase ahaatee waxaa uu sanadkii ka tirsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaciisa oo buuxa waa Muuse Biixi Cabdi waxaa uu qiyaastii sanadkii 1947 ku dhashay magaalada Hargaysa ee hadda xarunta u ah Soomaaliland. Waxbarashadiisa inta badan waxaa uu ku soo qaatay waqooyiga Soomaaliya hase ahaatee waxaa uu sanadkii ka tirsanaaa ciidamadii cirka ee Soomaaliya waxaana uu soo noqday duuliye diyaarad dagaal oo uu kusoo bartay Akadeemiyada cilmiga diyaaradaha dagaalka ee Rushka Gagarin.

Jaamacado kale oo ay ku yaala Maraykanka ayuu sidoo kale ka bartay cilmiga ciidamada. Si gaar ah Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha cusub ee Somaliland waxaa uu ka qeyb qaatay dagaalkii 19777 dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya waxaana uu ka tirsanaa guutadii 21,aad ee ciidanka xooga Soomaaliya waxaana uu ciidamada ka gaaray darajadda Korneyl. Muuse Biixi waxaa uu ciidamada ka baxay sanadkii 1985 waxaana uu ku biiray jabhaddii SNM ee xilligaas dagaalka kula jirtay dawladii dhexe ee Soomaaliya ee uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Jen Max’ed Siyaad Barre markii ay dhacday dawladii dhexena door weyn ayuu ka cayaaray gooni u goosadka ay Somaliland ku dhawaaqday.

Sanadkii 1993 M/weynaha cusub ee Somaliland waxaa uu noqday wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dawladii uu M/weynaha ka ahaa Max’ed Ibraahim Xaaji Cigaal . Sidoo kale 2010 kiina waxaa loo doortay gudoomiyaha xisbiga uu hadda ka tirsanyahay ee Kulmiye isla xisbiga ayaa u doortay Muuse Biixi inuu noqdo musharaxa xisbiga u matalaya doorashadii sanadkaan dhacday. Muuse Biixi waxaa oo da’da Todobaatameeyada ku jira waxaa uu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga, Carabiga,Ingiriiska iyo Rushka. Guddiga doorashada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in Muuse Biixi uu ku guulaystay doorashadii bishaan 13 keeda ka dhacday degaanadda Soomaaliland waxaana uu xilkaan hayn doonaa 5,ta sanno ee soo socota. W/soo ururshay Burhaan Diini Faarax. burhandiini@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip