Ha dayicin Halyeeyada qarsoon.=Taariikh Muhiim ah=

0
Thursday November 16, 2017 - 22:09:20 in Wararka by
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha dayicin Halyeeyada qarsoon.=Taariikh Muhiim ah=

    Wadanka guud ahaanba waxaa jira Geesiyaal badan oo aan wax laga qorin,sababta oo ah waqtigaa Afka Somaaligu ma qornayn, aqoonta luqadaha kalena waa yareed. Tixraaca ugu dhaw waa suugaanta iyo sheekooyinkii ay soo gudbiyeen dadkii berigaa noolaa ama d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka guud ahaanba waxaa jira Geesiyaal badan oo aan wax laga qorin,sababta oo ah waqtigaa Afka Somaaligu ma qornayn, aqoonta luqadaha kalena waa yareed. Tixraaca ugu dhaw waa suugaanta iyo sheekooyinkii ay soo gudbiyeen dadkii berigaa noolaa ama dad ajnabi ahi ay qoreen.

Waan jeclaa lahaa dhacdadan iyo kuwa la midka ah qofkii faahfaahin ka hayo inuu qoro. Dhacdadan waxaa lagu soo gudbiyay suugaanta.


Markii Talyaaniga iyo Xabashidu ku dagaaleen deegaanka Soomali Galbeed , ee Amxaarada la jabiyay, ciidamada wax jabiyay waxa ay ahaayeen Somali gumeeysigu uu qasab ku geeyay goobaha dagaalka.
A)-Sannadkii 1937dii ayaa gumeeysiga Talyaanigu isaga oo adeegsanaya Soomaalidii uu u qortay ciidan ahaan, ayuu bilaabay in deegaannda koofurta uu dadka ku qasbo dagaalka,xoolahoodana loo isticmaalo dagaalka.
Isla sannadkaa 1937dii ayuu Talyaanigu u soo diray deegaan u dhaxeeya Cadale iyo Jowhar Unug ciidan ah oo uu hogaaminayo Sarkaal Talyaani ah iyo 10 Somali ah, waxay tagi jireen Ceelasha iyo deegaanada kale, waxa ciddii loo soo martiyo laga rabay in neef Cadiin ah ay u qalaan ciidamada, biyo ay ku qubeeystaan ciidamadu, Biyo uu cabo Baqal ay wateen oo u rarnaa iyo Neef ama ka badan oo ah Geel xoogan oo Madfac qaadi ama jiidi kara.
Tobanka Sooamalida ah waxaa hor jooge u ahaa nin la dhihi jiray: Rooble Gacamay oo dadka dhibi jiray. Maalintii dambe ayaa waxaa soo weerary dhalin yaro Harti Abgaal ah, Rooble calooshiisii ayay banaaka soo dhigeen waxayna saareen calooshiisii geed quraca korkii, Rooble oo weli nafi ku jirto oo riimayo, ku xigeenkiisii Soomaaliga ahaa oo darajo BANDAAS watay iyo Baqalkiina waa bireeyeen, Gaalkii Talyaaniga ahaana Guskii ayay ka gooyeen oo afka ayay u galiyeen, 11kii ciidanka waxaa ka fakaday Laba nin oo kaliya , Sagaalkii kalena waa la dilay.
Isla goobtii ayay shirib ku qabsadeen,shiribkaa oo taariikhdan loo tixraaco ayaa ahaa:
1-Rabigeey Riix Ma Raajiyee…Ma Riimay Rooble Gacameey.
2-Bandaaski Ma Bireeyninoo… iyo Baqalki Biya Boob ahaay.
3-Gus aan Gudneeyn Bal yoow… Go’naan Gardaro Leyguma galee.
B)- Isla waqtigaa waxaa jiray Nin kale oo la dhihi jiray: Shiiqoow oo Talyaaniga Jaasuus u ahaa, asaga oo dhulka miyiga ah ku wareegi jiray, si uu u soo ogaado halka laga heli karo Owr jiidi karta madaafiicda, waxaa kale oo Shiiqoow la socon jiray nin kale oo diiwaan galiya halka laga helay Geelaa, ninkan kale oo Laba Alifle ahaa (Laba shabaale). Dadkii Geeleeyda ahaa waxay dantu ku qasabtay in koorta geela lagu xiro ay qadaadaan.(si ayna shanqar u samayn oo aan loo soo raacin, koorta dhaxdeeda labada Qud ee ku jirto ayaa la cuffi jiray).dhibkaa markii muddo lagu jiray ayaa dhalinyaradii reer Cadale waxay dileen Shiiqoow iyo laba Shabaalihii. Koortihiina qadaadkii waa laga bixiyay.
Dhalinyaradii mid ka mid ah ayaa ratigiisii ceelka keenay, tiriyayna gabay Salsal ah oo uu ratiga kula hadlayo, wuxuuna yiri:
(Shooblow anaa sharaxa kuu xiray, Shiiqoow anaa dilay iyo laba shabaalihii*Sharu waa dhamaatee shuurtaada ii daaq).

FG: qofkii hayaa magacyada dhaliyaraadaa, ama kuwa la mid ah oo si teelteel ah gumeeysiga isaga xureeyay, deegaan kasta ee Soomalidu degto, ama hayo suugaantii dhacdooyinkaa lagu gudbiyay waxaan ka codsanayaa inay qorto, si bulshadu ula wadaagto. Ha dayicin Halyeeyada qaran ee qarsoon ee wax ka qor, waa badan yihiin.
Wixii aan qalday iga sax, wixii ka dhiman ku dar, aragtidaada xor ayaad u tahay, anagana aragtidaadu waa noo muhim.


Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip