Warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hortagi doono Baarlamaanka

0
Tuesday August 18, 2015 - 07:50:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hortagi doono Baarlamaanka

    Warar soo baxay saacadihii la soo dhaafay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagu wado inuu hortago Baarlamaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar soo baxay saacadihii la soo dhaafay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagu wado inuu hortago Baarlamaanka.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Guddoonka Baarlamaanka ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha uu warqad codsi ah u soo diray Guddoonka oo ku saabsan inuu doonayo inuu hor-yimaado Baarlamaanka, si uu khudbad ugu jeediyo.

Hase ahaatee xubno ka tirsan Xildhibaanada mooshinka ka keenay ayaa la sheegay inay diideen inuu u khudbeeyo kaliya, balse dalbaday in su’aalo ka weydiiyaan eedeymaha qaar ay u soo jeediyeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha uu ogolaaday, markii Guddoonka ku wargeliyay dalabka Xildhibaanada.


Guddoonka Baarlamaanka ayaa wali muddo u qaban kulanka uu hor imaan doono, waxaana warar aanu heleyno ay sheegayaan in haatan uu shir u socdo, lana filayo in saacadaha soo socda go’aan soo saaraan.

Xafiisyada Madaxda dowladda ayaa tan iyo caawa fiidkii hore waxaa ka socday kulamo gaar gaar ahaa, waxaana muuqata in xiisada siyaasadeed ka dhalatay mooshinka uu cirka isku sii shareeray, kulamada arrintan looga hadlayana ay habeen iyo maalin noqdeen.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa si rasmi ah u aqbalay 12-kii bishan mooshin laga soo gudbiyay Madaxweynaha, kaasoo cinwaankiisa ahaa xil ka qaadis, iyadoo qodobo dhowr ah lagu soo eedeeyay Madaxweynuhu.

Lama oga halka uu cuskan doono mooshinkan iyo meesha kama dambeysta ee uu ku biyo shuban doono, waxaana socda loolan siyaasadeed oo xoog leh, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaankana ay labo dhinac kala yihiin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip