Goormeen Falastiin u guuray?=Faallo=

0
Monday November 13, 2017 - 10:34:33 in Wararka by
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goormeen Falastiin u guuray?=Faallo=

    Wiil yar oo 12 jir ah oo aan adeer u ahay ayaa igu yiri: Adeer, weli ma waxaad degen tahay xaafadii GAZA?. Waxaan ku iri: maxaad ula jeedaa? Sow ma ogid in aan weli degenahay xaafadii aad iigu imaan jirtay ee Mogadishu, GAZANA waxaan ku maqlay inay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil yar oo 12 jir ah oo aan adeer u ahay ayaa igu yiri: Adeer, weli ma waxaad degen tahay xaafadii GAZA?. Waxaan ku iri: maxaad ula jeedaa? Sow ma ogid in aan weli degenahay xaafadii aad iigu imaan jirtay ee Mogadishu, GAZANA waxaan ku maqlay inay falastiin ku taal. Wuxuu igu yiri: Adeer ma ogid miyaa in magaaladu ay tahay 4 waaxood oo kala ah: Tal Abiib, Qudus, Ramala iyo Qaza.
1-TAL ABIIB: waa xaafadda Xalane oo ay degenyihiin Ajaanibta ugu sareeysa ee maamusha dalka, waana qaybta1aad ee ugu amaanka badan dalka, loo mana ogola dadka dalka u dhashay xattaa haddii ay yihiin madaxda dalka illaa fasax VISA ay helaan oo looga yeero xalane, hubna la ma soo gali karaan. Fiiri sawirka 1 & 2aad.

2-QUDUS ama JUUSLAAM: waa xaafadda 2aad ee ugu nabadgalyada badan magaalada, waa xaafadda Villa Soomaaliya – Baarlamaanka – Masjidka isbaheeysiga – Tiyaatarka illaa Daljirka dahsoon. Waxaa dega dabaqadda ugu sareeysa somalida, jidadkeedu badanaa waa xiran yihiin, loo mana ogola dadka dan yarta ah iyo gaadiidkoodu in ay soo maraan, tusaale Gaadiidka dad weeynaha ee Bus –saku sooma mari karaan, Bajaaj kaba daran, gaadiidka waaweeyn ee dan yartu ku xamaalato looma ogola, xattaa dadka dan yarta ahi uma soo tukan karaan Masjidka Isbaheeysiga haddii ay wataan gaadiidkooda Bajaajka loo yaqaan. Iyada lafteeda Amaankeeda waxaa ka masuul ah reer Tal abiib. Fiiri sawirka 3, 4, 5, & 6aad.


3- RAMALLA: waa xaafadaha u dhaw dhaw xarumaha dowladda ee badanaa laga taageero dowlada ama aan siyaasadda laga daneeyn, sida: Xaafadaha Xamar weeyne, shangaani, boondheere iyo kuwa kale. Fiiri Sawirka 7aad.
4- GAZA: xaafadaha ka bannaanka ah derbiga Amman ee laga ilaaliyo qaranka, xaafadaha ka banaanka ah derbiga shubka ah, jawaanada ciida ah iyo carra tuurka, oo la iska illaaliyo dadka degan ama ka soo gudbayo sida xaafadaha Wadajir, Dharkeeynleey, Howlwadaag sare, Hodon sare, Wardhiigleey sare ,darbiga oo sii mara illa Kaaraan baddana ka gala xaruntii ciidanka badda, intii derbigaaka banaanka ka ah iyagaa iska masuul ah, derbigaa gadaashiisa reer Gaza waxa laga soo tuuraa gantaalo, hoobiya yaal, ama qaraxyo ayaa ka soo gudba.
Wiilkii yaraa Hadalkiisii waxaa uu iigu soo gunaanaday, Adeer reer Gaza ayaad tahay Hadiiba weli aad degan tahay xaafadii aan kugu ogaa, Xamarna waa 4taa xaafadood. Fiiri sawirka 8 & 9aad.
Ciyaalka warkooda wax baa iiga baxay, illeyn Xamar ma degani ee derbi ayaa la isaga keey xijaabay, ka banaanka ayaan degenahay, Yaa nabadgalyada reer Gaza masuul ka ah?. laakin goormeen Noqday falastiini Qaza degan?.Adigu Xaafadeed degen tahay?

Qore: Yahya Sheikh Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip