WARBIXIN:- Sidee ayuu ku yimaadaa Jaceylka dhabta ah ?

0
Tuesday October 31, 2017 - 22:23:47 in Wararka by
  • Visits: 1554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN:- Sidee ayuu ku yimaadaa Jaceylka dhabta ah ?

    Raadinta jacaylku waa shil sahlan oo aad naftaada galineyso, Waxaad la kulmeysaa qof ku weyn naftaada oo ay dooneyso inay wakhti la qaadato. Markaas haddii wax walba si sax ah u dhacaan, waxaad heshay jacaylka dhabta ah ee aad raadineysay Dadkoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raadinta jacaylku waa shil sahlan oo aad naftaada galineyso, Waxaad la kulmeysaa qof ku weyn naftaada oo ay dooneyso inay wakhti la qaadato. Markaas haddii wax walba si sax ah u dhacaan, waxaad heshay jacaylka dhabta ah ee aad raadineysay Dadkoo dhan ama adduunka oo dhan, waxay ka hadlaan jacaylka maalin kasta.
Jacaylku maaha mid yar, waa wax baaxad weyn oo ilaa hadda aan la ogaan karin sida uu u yaalo iyo halka uu kasoo jeedo.

Jacaylka dhabta ah wuxuu leeyahay waqti iyo imtixaano adag oo loo baahan yahay in laga gudbo marka sida xaqiiqada ah loo hadlayo.

Waa wax adag, inaad naftaada ciqaabto adigoo ka fakiraya farxada aad heli karto maalin maalmaha kamid ah.

Jaceylka dhabta ah iskam yimaado, ee waxaa jira sababo horseeda inuu ka dhaxdhasho laba qof ee nolosha u diyaarsan in ay wadaagaaan.

Sida ugu dhaw ee uu ku yimaado jaceyl dhab ah Waa inaad qof la joogtaa muddo sanado ah si aad u ogaato una hubsato waxa aad haysato inuu yahay Sheygii noloshaada u baahneyd.

Ugu dambeyntii jacaylka dhab ah looma heli karo si dhaqso ah, waxaa ka horeeya dulqaad iyo in la baro nafta adkeysiga iyo samir.

Markasta oo aad raadineyso jaceylka dhabta ah waad turuturoneysaa, waad dhaceysaa, waad ilmeyneysaa waadna cidlooneysaa, ilaa si tartiib tartiib ah aad kaga baxdo ciriiriga nolosha.

Inkastoo jacaylku yahay wax qurux badan, haddana majirto cid weli xaqiiqo u heysa halka uu ka dago qofka ama xiliga uu galo jirkiisa.

Laakiin si mala awaal ah qof walba ayaa aaminsan in jaceylku yahay wax ku abuuran qalbiga noolaha, laakiin ma is weydiisay inuu leeyahy waqti?

Markasta oo aad tahay qof jacaylku ku cusub yahay, waxad dareemeysaa baahi aad u daran, ku dhowaad waxaad is weydiineysaa midkeen anigu jeclahay?

Balse qofka aad jeceshahay ogow waa midka ay Naftaadu dooneyso inay wakhti badan la joogto.

Jacaylka dhabta ah waxaa lagu dhisaa kalsooni iyo ixtiraam, labaduba waxay qaataan waqti muhiim.

Waa run in qaar naga mid ah ay ka aamin badan yihiin kuwa kale, Laakiin waayo-aragnimada badan ee aad u leedahay jacaylka iyo cilaaqaadkiisa ayaa laga yaabaa inuu ku saacidayo.

Jacaylka dhabta ah maahan dareen, laakiin waa xaalad gaar ah oo la dareemi karo.

Dadku waxay sameeyaan khalad. Dadku waa ay isbedelaan, qaar ayaana ku guuldareysta inay noqdaan lammaane iyagoo jacayl iyo saaxiibtinimo dhab ah wadaagay, laakiin kaliya waxaa kala fogeeya calafka.

W/D:- Hassan Abdi Ahmed (Iniesta)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip