Ex-Wasiir Dulmiga dhaaf.=Warbixin Xasaasi ah=

0
Monday October 30, 2017 - 19:37:32 in Wararka by
  • Visits: 1270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex-Wasiir Dulmiga dhaaf.=Warbixin Xasaasi ah=

    Maanta waa careeysanahay,iga raali ahaada haddan idinku badiyo. In kasta oo uu qoraalku dheer yahay fadlan wada aqri si aad garta u qaado. Waxaan xaq u leeyahay inaan ardaydayda wixii looga khaldan yahay iyo wixii ay ku khaldan yihiin aan u sheego.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta waa careeysanahay,iga raali ahaada haddan idinku badiyo. In kasta oo uu qoraalku dheer yahay fadlan wada aqri si aad garta u qaado. Waxaan xaq u leeyahay inaan ardaydayda wixii looga khaldan yahay iyo wixii ay ku khaldan yihiin aan u sheego. Maqaalkan mar hore ayaan rabay inaan qoro, laakin dib ayaan isaga dhigay,muddo sanad ka badan. Istanbuul ayaan ku arkay ardaydaydii oo Ma halkan ka diyaarinayo,waxay i weeydiiyeen: maxaa hortaagan in ardayda gudaha wax ku baratay ay shaqa helaan, waxaan soo xasuustay, qoraalkan oo mar hore aan diyaariyay laakin aan iska keeydiyay, inuu ku saabsan yahay cilad ka mid ah ciladaha.

Qof Ajnabiya ayaa yiri: Burburkii 1991 kadib Soomaaliya horuumar la taaban karo ayay ka gaartay waxbarashada. ( Following the outbreak of civil war in Somalia 1991, private education sectors have made a significant contribution to the rehabilitation and development of the education sector).



Muwaadinkuna muxuu yiri: Judy Maina oo ajnabi ah oo soo xigatay wasiir Soomaali American ah oo yiri: Heerka jaamacadaha Soomaaliya aad ayuu uga hooseeya heerkii laga rabay, mana laha dad wax ku bartay guduhu tayadii ay shaqo ku qaban lahaayeen,waxaan soo jeedinayaa in geeska Afrika ay ku haboon yihiin kuwii dibadda wax ku bartay in la siiyo fursado shaqo. jaamacadaha waxaan ku eedaynaa in ayna soo saarin ardaydii loo baahnaa, sidaa daraadeed ardaydaa shaqa lama siin karo shaqooyinka qaar haddii ay soo codsadaan, sabata oo ah waxaa jira kuwa wax ku soo bartay Swedan,UK iyo US,wiilashaa iyo gabdhahaa faqriga ah ee gudaha dalka jooga lama bar bar dhigi karo kuwa dibadda wax ku soo bartay.
(By Judy Maina, ..NAIROBI – A minister in the Somali government accused the country’s universities of running an education system that fell below the average standard and complained that locally educated graduates lacked quality to qualify for employment opportunities, suggesting that diaspora graduates were better suited to meet the requirements for employments in the horn of Africa nation. that the country’s education system needed an overall overhaul, blaming universities of producing ‘unskilled’ graduates not equipped with the necessary expertise. "So, they cannot be employed when they apply for certain positions, because you’ve others more privileged than them who were educated in Sweden, UK or US.” the Somali-American minister said. "You can’t compare these poor young boys or girls).
Judy oo qof ajnabiya ah ayaa waxay leedahay haddii aan ka soo tagno warka wasiirka Jaamacadaha Soomaaliya qaar ayaa ka mid ah 100 ka jaamacadood oo ugu horeeya kumanyaalka jaamacadaha Afrika,weliba waxay ku dartay boqolaal arday oo Soomaaliya oo gudaha wax ku bartay ayaa ka shaqeeya ururada caalamiga ah oo ay ka mid tahay UN.shaqa la’aanta ayaana keentay in arday jaamiciyiin badan ay yurub u tahriibaan iyaga oo sii mara lama dagaanka.
(Despite the minister’s assertions, several universities in Somalia have been scored among the 100 best universities in Africa, having been hailed as a triumph for grass-roots initiatives in recent years. Hundreds of local graduates also qualified for employment positions, largely by international agencies including the United Nations, high unemployment rate in Somalia, especially among school-leavers and university graduates, has fuelled an increase in migration, with hundreds of young people embarking every month on a perilous journey to Europe through the Sahara Desert).
Taa waxaan u arkaa in wasiirku uu beesha caalamka u dirayo, baaq fursado shaqo loogu diidayo ardayda gudaha wax ku baraty, wallaalaheena qorbaha ka yimid waxaan idinka filaynay inaan wadanka wada dhisno,miyaad noqonaysaan hogaamiya kooxeedyada qurba joogta ah,oo dagaal iyo khilaaf aqooneed abuuraya. jaamacadu waa 4 sanno oo wax barasha ah si aad u hesho xirfad aad bulshada wax ugu qabato. Wasiir Waxaan kugu xushmaynayaa xilka Qaran ee aad hayso. Waxaa kale oo aan isaga kaa dhaafayaa waxaan ogahay inay jiraan Diaspora aad u aqoon badan dadka iyo dalkana jecel qaarna waa joogaan,kuwa diaspora ah ayaa waqtiyadii dagaalada dalka noogu yimid oo si mutadawacnima ah sannad ama ka badan ardayda wax barayay.
Ma dareemee Md. Ex-wasiir in Jaraa’idka Nairobi oo ah xurunta ay dagan yihiin hay’adaha caalamigaa ee Soomaaliya ay xigteen hadalkaagii, kuwa Diaspora ah oo shaqa doon ahna ay u qaybiyeen, si ayna kuwa gudaha wax ku bartay oo ka aqoon badani ula tartamin. Mudane wasiir adiga ayay ahayd inaad tixgaliso aqoontooda oo aad shaqo u raadiso.
Waxaad inkiree ma ogtahay inay tahay:shahaado jaamacadu bixisay, wasaarada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalkuna saxiixday, kadibna wasaarada arrimaha Dibaddu tasdiiqisay sharcinimada aqoonsigeeda,intaasoo xafiis oo isla dowladaadii aad ka tirsan tahay miyaad beeninee.ma inaad caalamka ku tiraa dadkayga wax bartay yaan shaqa la siinaa. ma ogtahay in kuwa Diasporaa oo shaqeeya loo qoray inay tababar iyo khibradba ka qaadanayaan kuwa gudaha wax ku bartay oo ardaydaydii ahaa sida . Fowziya Abdihafiid iyo Amina Caraale. Ma ogtahay in ardaydaydii dalka wax ku baratay qaar ay kula yihiin Wasiiro, taana ma tixgalin wayday,kuwa kalena ay Danjirayaal yihiin. Aqoontu waxay u baahan tahay in dadnimo la jirto ogoow 13-kii SYL midkoodna kama soo bixin Jaamacad, dibaddana wax kuma baran,Md.Ex-wasiir (Albaab kasta ee laaban ma xirna ee riix si aad u furto).
Ha u qaadan faan ee anigu waxaan wax ku bartay dalka waxaana aan wax baray arday dalal kale u dhalatay.Jamacada Mogadishu University iyo qaybteeda Bossaaso waxaan ka noqday Hormuud,kuliyada dhaqaalaha iyo maamulka, Jamacadda Horn of Afrikana waxaan ka mid ahaa masuuliyeenteeda.waxaan tagay jaamacada kale oo dalka ku yaal sida :jaamacadaha Hargaysa oo ka saraysaa kuwa badan oo Afrika iyo Yurub ku yaal,fiiri maktabadahooda iyo cilmibaarista ay sameeyeen,waxaa kale oo aan tagay Jaamacadda Camuud. aqoonta iyo khibrada aad sheeganee haday jirto, qurbaha Cayr kuma quudateen.
Anigu waxaan wax ku soo baratay dalka waxaana macalimiin ii ahaa Aqoon yahana badan oo ay ka mid ahaayeen prof: Cabdullahi Qaloocow , prof: Mohamed Saciid Samar oo hadda degan Bossaso,prof.Admiral Farax qare, prof:Dalmar ex-bank officer, prof. Saciid Firdhis. Prof: Osman Adow, prof.Ssharif Mohamed Xassan, prof. Afrax iyo kuwa kale oo badan ayaa salka u dhigay asaaskii wax barashadayda marka laga reebo MA & PhD ee wax ima soo barin Mr.Jhon iyo micheal, aan kuugu daree anigaaba iyaga wax baray.
Dhinaca Diintana waxaan qabaa aqoon ka sareeysa waxay aqoon u yaqaanin jaamacada reer galbeedku, waxaan wax ku bartay mid ka mid ah Moowlacyada xerta ee hoos taga Sheekh Cali Maye oo reer Marka ahaa oo aan ku bilaabay kitaabka safiinada ee asaaska manhajka wax baraasho noo ahaa miyiga.
Waxaan wax ka dhigay ama cashar sharafeed aan ka bixiyay jaamacado ay ka mid yihiin: Jaamacadii Ummadda, SIDAM, Mogadishu University, open university of Malaysia,iyo jaamacada kale oo Malaysia ku yaal, New york University , Tokyo University, Amsterdam university, Ruwanda institute,…. south Africa, University in Philippine , live science University-Norway iyo ,Oslo university, University of Kansas iyo kuwa kale , waxaan bare iyo supervisor u noqday arday u kala dhalatay in ka badan 40 wadan sida Swedan, Norway, Nepal, Kuwait ,Congo, Russia ,USA, Iran,Australia, Japan,India, iyo kuwa kale oo badan ,waan ku siin karaa ardaydaa cinwaanadooda si aad ula xiriirto. Sida: 1- Kiyoshi Matsukawa Japan, Tokyo university- PhD. 2- Khairunnisa-Northwestern University-Chicago –PhD. 3- Hannah Vaughan-Lee, SOAS-University of London-PhD. 4- Michael Skjelderup, University of Oslo-MA. 5-Aisha Ahmed-PhD.McGill University. 6- Inger Kristine MA, university and Life science.7- Abdilaahi Haji Said student at Norwegian university life and science -,iyo kuwa kale bugaagta ay ku qalin jabiyeen magacayga ka fiiri. laga yaabee kuwa ajnabi ah oo aan anagu wax barnay inay adiga dibadda wax kugu bareen. Aan kuu sheegee arday UK iyo US ka yimid ayaa halkan wax barashadooda lagu qiimeeyay oo sannad ama ka badan dib loo celiyay.
Waxaan filayaa in aan qiimayn karo ardayda.waxaa diyaar u ahay in aan imtixaan ka qaadno 15&15.gudaha iyo dibada ah,maado ay ku wada taqasuseen,ma aha inaan leeyahy qola ayaa guulaysee,waanse ku kalsoonahay kuwa gudaha. kutaabta halay dhaafo,qofba calafkiisuu cunaa, qurba jooguna qaduuc ma wada ahan oo kuwa qiima badan oo aan ogahay ayaa ku jira .
Ciyaar Mood Ciyaalka Xaafada.
FG:Rraali ahow wasiir,ha u qaadan inaan isfaaninayo ama aan ardaydayda faaninyo,ee dulmiga ayaa iga careeysiiyay. Waxaad xor u tihiin fekerkiina, wixii aan ku khaldamay iga saxa.
FG: ( markii aan diyaarinayay PhD waxaa xushay topic macnahiisu muujinayo wadamada burburay sida loo dhiso. Tusaalana marxaladaha burburka waan soo arkay, waxaa jira waddama burbur ka soo kabtay sida Ruwanda, waxa aan tagay markii ay soo kabatay, kuwa loo diyaarinayo burbur sida Yaman , markii Cali Cabdalla la bursanayay waan joogay oo xaaladda ayaan darsayay, waxaa jira kuwa ku dhax jira burbur sida Soomaaliya,waan joogay.Ex-wasiirow adiga iyo intii u diyaar ah in dalka la dhiso ee ku socoto waddadii saxda ahayd ee lagu dhisi lahaa shuruud la’aan ,mutadawacnimo ayaan qaybtayda uga qaadanayaa).
Wallalow mid iga aamin,ma ihi Caalim, hadduu jaahil wax qoraa jiro anigaa kow ka ah, laakin wax barasho ayaan sii wadaa inta Allah i gaarsiiyo ee iigu soo duceey.
Daawo Sawiradda horuumarka leh ee xarumihii hore iyo kuwa cusub ee dalka.

Qore: yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip