Shacabka Soomaaliyeed Cirbad ayaa lagu hilmaamay ee yaa ku muday? Qabiil aaaa!!!Nasashada jimcaha.q-67aad.

0
Friday October 27, 2017 - 20:09:19 in Wararka by
  • Visits: 876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Soomaaliyeed Cirbad ayaa lagu hilmaamay ee yaa ku muday? Qabiil aaaa!!!Nasashada jimcaha.q-67aad.

    1-Bakhiil murugaysan ayaa nin saaxiibkii ahi ku yiri: Maanta si baad u murugeeysan tahay ee maxaa kugu dhacay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Bakhiil murugaysan ayaa nin saaxiibkii ahi ku yiri: Maanta si baad u murugeeysan tahay ee maxaa kugu dhacay?

Bakhaylkii ayaa ku yiri: Aniga oo doonayo in aan shanleeysto ayaa shanladeeydii hal ilig ka jabay.

Saaxiibkii ayaa ku yiri : Haddii hal ilig oo kaliya ka jabay ,miyaadan ku shanleeysan Karin?
Bakhiilkii ayaa yiri: Maya, iligii ugu dambeeyay ayuu ahaa.Fiiri Sawirka 1aad.



Saaxiibkii ayaa ku yiri: shanlo waxaa iiga daran,saaxiiboow bacdamaa dooro ( Digaag) badani kuu joogto waxaan kaa soo doontay hal xabo oo ukun ah,Gabar Neersi ah oo i dureeysay ayaa cirbad igu hilmaanaty, feera xanuun ayaana ka qaaday. dhaqtarka ayaa igu yiri: Ukun cun feeraha ayeey kuu nadiifisaaye. Bakhiilkii ayaa ku yiri: waa beentii, ukunta hooyadeed lugaheeda fiiri haddii nadaafadi ka muuqato.Fiiri Sawirka 2aad.
( Shacabka Soomaaliyeed cirbad ayaa lagu hilmaamay ee yaa ku muday? Qabiil aaaa!! Iyo…..).
2-Wiil yar ayaa Aabihi ku yiri: Aabe waxaan rabaa in aan mustaqbalka musikiiste noqdo, ee Gurbaan ii soo gad. Aabihii ayaa ku yiri: Maya ,kuu soo gadi maayo oo guriga ayaad ku dhax garaacee madaxa xanuun ayuuna ii keenayaa.
Wiilkii ayaa ku yiri: Waa ballan Aabe, adoo hurda mooye adoo soo jeedo in aanan garaacin. Fiiri sawirka 3aad.
( Ninkii madaxweeyne maamul gobaleed gurbaan u dhiibay, isagaa laga rabaa siduu u seexan lahaa).
3-Nin Hindi ah ayaa islaamay waxaana lagu yiri: Haddii aad cunta cuneeysid bisinka ku bilaaw, si uuna sheeydaanku kuula cunin. Hindigii saddax maalmuud ayuu hilmaamay in uu bisinka ku bilaabo. Maalintii afraad ayaa waxaa u yimid shaydaankii oo careeysan kuna yiri: War hindiyohoow doqonka ah, maxaad uga tagtay Bisinka,balaaya qabe, sidaad basbaas noogu waday ayaa bogii na balbalay, baabasiirna aan halis ugu jirnaa ee bisinka haka tagin. Fiiri sawirka 4 & 5aad.
(Waxaa badan qof wanaag ku faraya isaga oo daneeysanaya, horta ciidamada amxaarada ee dalka jooga haddan basbaaska ka joojino managa tagayaan?)
4- Oday marqaansa oo baabuur wada ayaa waxaa joojiyay Boolis, kuna yiri sabata aan kuu joojiyay ma garaneeysaa? Darawalkii ayaa ku yiri: maya.
Booliskii ayaa ku yiri: Maxaad suunka u xiran weeyday? Darawalkii marqaansanaa ayaa ku yiri: War bal Asgarigaan gar daradiisa eega!, surwaalba ma watee maxaan sun xirtaa. Fiiri sawirka 6aad.
( Beesha caalamku waxa ay na leedahay dastuurkiina raaca, war bal eega waalidooda, ma anagaaba qabna dastuur na mideeya, soo tan beel walba dastuur u gaar ah qoratay, una dhiibatay darawal maqaansan oo bilaa surwaal ah)
5- Xaliimo ayaa tiri: Nin sidiisaba waa " Bluetooth” oo inta aad ka ag dhawdahay oo kaliya ayuu kugu xirtaa.
Faraxa ayaa yiri: Naaguna sideedaba waa "WiFi” oo qalabka diyaarka ah oo dhan beey soo qabataa, kan ugu xooga badan beeyna ku xirataa. Fiiri Sawirka 7aad.
( Xildhibaanku waaWiFi mooshikii diyaarah oo ugu lacag badan ayuu ku xirtaa. Yaa Bluetooth ah).
6-Wiil ayaa hooyadii oo 80 jir ah ku yiri: Hooyo ducaan kaa rabaa ee sannadkaan ma Xajkaan ku geeyaa, mise oday baan kuu guuriyaa? Hooyadii iyada oo xishooneeysa ayeey wajigeeda dadabtay kuna tiri: Maandhoow kacbadu ma iyadaa guureeysa. Fiiri Sawirka 8aad.
( Ganacsatada hadda jirta qaarkood ha dhin, ma xajkaad aadee, mise mucaawino la soo bootiyay oo xaraash ah ayaa jirtee waad baaqanee. Diasporana ha dhihin…….).
Qore: Yahya AmirTwitter Google+ Share



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip