Inuu Arnaiz Bedeli Karo & Sababta Uu Keydka U Giliyay Suarez: Macalinka Barca Ayaa Ka Hadlay

0
Wednesday October 25, 2017 - 11:05:53 in Wararka by
  • Visits: 572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inuu Arnaiz Bedeli Karo & Sababta Uu Keydka U Giliyay Suarez: Macalinka Barca Ayaa Ka Hadlay

    Kooxda Kubada cagta Barcelona, ayaa xalay dheeshay kulan ka tirsan Tartanka Copa Del Rey, waxaana macalinkeeda Valverde, oo saxaafada la hadlay kulanka kadib, uu amaanay ciyaaryahanka dhalinyarada ah ee Jose Arnaiz.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Kubada cagta Barcelona, ayaa xalay dheeshay kulan ka tirsan Tartanka Copa Del Rey, waxaana macalinkeeda Valverde, oo saxaafada la hadlay kulanka kadib, uu amaanay ciyaaryahanka dhalinyarada ah ee Jose Arnaiz.

Hogaamiyaha Naadiga ka timaada Gobolka Catalonia, ayaa aamisan in wiilkaan uu caawin doono kooxdaa sanada soo aadan, waxaana uu sheegay in bandhigiisa cajiibka ah uu ka saacidi doono inuu horumar fiican uu gaaro.

Dhanka Kale, Mr Valverde ayaa la su’aalay mar kale sababta uu Kursiga Keydka uu u dhigay Luis Suarez, wuxuuna si cad usheegay in wiilkana u u baahan yahay inu helo Nasiino, islamarkana uu yahay mid aanan fiicnaa bandhigiisa.

Ugu dambeyn, Tababaraha Barca ayaa ka hadlay kulanka ay la dheeli doonana maalinta Sabtida ah ee toddobaadka soo aadan Kooxda Atletico Bilbao, taasoo u horey usoo qabtay, wuxuuna sheegay in dareenkiisu uu kacsan yahay.



"Waxaan filayaa inay in dareenkeegu uu xoogan yahay marka aan wajaheyno Athletico Club, sababtoo ah, waxay ay ahayd halkii ugu dambeysay ka hor Barca, oo aan kasoo shaqeeyay marka lama qiyaasi karo dareenkeyga,” ayuu yiri.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip