Madaxweynaha Real Oo Doonaya In Barca Uu Ku Garaaco Saxiixa Xidig Diirada U Saaran Kooxdan

0
Wednesday October 25, 2017 - 10:48:18 in Wararka by
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Real Oo Doonaya In Barca Uu Ku Garaaco Saxiixa Xidig Diirada U Saaran Kooxdan

    Sida ay sheegayaa wararka laga helayo dalka Spain, Madaxweynaha Real Madrid, ee Florentino Perez ayaa wuxuu doonayaa in kooxdiisu uu kusoo biiriyo loolanka lagu doonayo in lagu helo adeega Laacibka Liverpool ee Coutinho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaa wararka laga helayo dalka Spain, Madaxweynaha Real Madrid, ee Florentino Perez ayaa wuxuu doonayaa in kooxdiisu uu kusoo biiriyo loolanka lagu doonayo in lagu helo adeega Laacibka Liverpool ee Coutinho.

Xidigaan ayaa wuxuu muddo uu diirada u saarnaa Barcelona taasoo dooneysa inay bedal kaga dhigato Neymar, oo 222 Malyuun ugu biiray PSG, xili uu noqday laacibka aduunka ugu qaalisan asigoona ka sara maray Ronaldo iyo Messi.

Bluagrana ayaa lasoo wareegtay Dembele, kaasoo ay is lahayd bedel waa uu noqon karaa Neymar balse aanan dhicin sidii ay fileysay, iyadoona uu haatan yahay mid dhaawac, waxaana ay usoo jeesatay Coutinho.



Wiilkaan reer Brazil ayaa waxaa horey loo sheegay inuu doonayo imaanshaha Barca, islamarkaana uu jeclaan lahaa inuu maalin un uu xero Maaliyadeeda balse loolan adag ayay kala kulmi doontaa PSG iyo Los Blancos.

Majalada Don Bolon, oo kasoo baxda dalka Span ayaa qortay in Madaxweynaha Madrid, uu doonayo inuu ka afduubto Blaugrana xidigaan, islamarkaana hadii uu ku guul dareysto inuu gabi ahaanba ka horjoogsan doono imaasha Barca.

Don Bolon ayaa sii raacisay hadalkeeda in Madaxweynaha Madrid, uu adeegsan doono PSG si meesha looga saaro in Coutinho uu yimaado Barca, waxaana ay umuuqataa Madrid, mid aanan dooneyn in Coutinho uu yimaado La Liga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip