RASMI: Shaxda Kooxda Aduunka Ugu Fiican Ee FIFPRo 11 Oo Lagu Dhawaaqay, Real Madrid, Juventus Iyo Barcelona Oo Xidigaha Ugu Badan Ka Helay.

0
Tuesday October 24, 2017 - 09:18:32 in Wararka by
  • Visits: 1019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RASMI: Shaxda Kooxda Aduunka Ugu Fiican Ee FIFPRo 11 Oo Lagu Dhawaaqay, Real Madrid, Juventus Iyo Barcelona Oo Xidigaha Ugu Badan Ka Helay.

    Waxaa si rasmi ah hadda loogu dhawaaqay shaxda kooxda aduunka ee ay soo doorteen xirfadlayaasha kubbada cagta aduunka oo uu xidhiidhka kubbada cagta xirfadlayaasha aduunku soo diyaariyay isla markaana ay FIFA bixisay. Waxaana codbixintii in shaxda ko

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa si rasmi ah hadda loogu dhawaaqay shaxda kooxda aduunka ee ay soo doorteen xirfadlayaasha kubbada cagta aduunka oo uu xidhiidhka kubbada cagta xirfadlayaasha aduunku soo diyaariyay isla markaana ay FIFA bixisay. Waxaana codbixintii in shaxda kooxda aduuka la soo saaro ka qayb qaatay in ka badan 24,000 kun oo ciyaartoy oo aduunka dacaladiisa kala jooga.



 

Kooxaha ree Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa isku dar ahaan helay ciyaartoyda ugu badan ee shaxda kooxda aduunka ugu fiican. Waxay shaxda kooxda sanadka ee aduunka ugu fiicanu dhacday qaabkii hore loo sii saadaaliyay iyada oo ay 11 ka xidig ka soo jeedaan saddex kooxood oo kaliya inkasta oo ay jiraan xidigo hadda ka tirsan kooxo cusub.

Real Madrid ayay shaxdan ugu jiraan Marcelo, Luka Modric, Toni Kroos iyo Cristiano Ronaldo halka Barcelona ay ugu jiraan Lionel Messi, Andres Iniesta iyo Neymar Jr oo hadda ka tirsan PSG balse shaxdan ugu soo baxay in uu Barcelona ku soo sameeyay bandhig fiican.

Juventus ayaa shaxdan ku yeelatay goolhaye Buffon, Alves oo hadda PSG ka tirsan iyo Bunucci oo isna hadda AC Milan ka tirsan laakiin Alves iyo Bonucci ayaa shaxda ugu soo baxay bandhigii ay ka sameeyeen kooxdoodii hore ee Juventus.

 

Halkan Kaga Bogo Shaxda Kooxda Aduunka Ugu Fiican Ee FIFPRO 11 2017:

Goolhaye:Gianluigi Buffon- Juventus

Difaaca:Dani Alves- Juventus/PSG,Marcelo- Real Madrid, Sergio Ramos- Real Madrid, Leonardo Bonucci- Juventus/AC Milan

Dhexda:Luca Modric- Real Madrid,Toni Kroos- Real Madrid,Andeas Iniesta- Barcelona

Weerarka:Cristiano Ronaldo- Real Madrid,Lionel Messi- Barcelona, Neymar jr- Barcelona/ PSG




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip