Wiilka Cristiano Ronaldo Oo Mar Kale La Kulmay Xiddiga Uu Taageero Lionel Messi

0
Tuesday October 24, 2017 - 08:55:55 in Wararka by
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiilka Cristiano Ronaldo Oo Mar Kale La Kulmay Xiddiga Uu Taageero Lionel Messi

    Mar kale, wiilka Ronaldo oo lagu magacaabo Cristiano Jr ayaa la kulmay xiddiga uu taageero. Lionel Messi ayaa salaamay weeraryahanka Real Madrid Cristaino Ronaldo iyo wiilkiisa xaflaadii abaalmarinta FIFA ee xalayto ka dhacday magaalada London ee dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mar kale, wiilka Ronaldo oo lagu magacaabo Cristiano Jr ayaa la kulmay xiddiga uu taageero. Lionel Messi ayaa salaamay weeraryahanka Real Madrid Cristaino Ronaldo iyo wiilkiisa xaflaadii abaalmarinta FIFA ee xalayto ka dhacday magaalada London ee dalka Ingariiska.



 


Wiilka uu dhalay Cristiano Ronaldo ayaa dhowr jeer sheegay inuu taageere u yahay Messi, inkastoo xiddiga reer Argentina uu aabihiis kula dagaalamayay abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka oo uu Cristiano ku guuleystay.

Messi oo dhoolacadeynaya ayaa salaamay todoba jirkaan ka hor inta aysan bilaabanin xafladii ka dhacday tiyaatarka Palladium ee magaalada London, Ronaldo ayaana ahaa mid dhoolacadeynayay markii uu wiilkiisa Cristiano Jr uu la kulmayay xiddiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi.

Markii ugu horeysay ee uu Cristiano Jr la kulmo Messi waxa ay aheyd xafladii Ballon d’Or ee 2015 ee uu ku guuleystay Ronaldo, Messi ayaa salaamay da’ yarkaan isagoo weydiiyay sida ay xaaladiisa tahay.



 

Ronaldo ayaa markaas ka dib u sheegay Messi, "Wuxuu internet-ka ka daawaday muuqaal anaga nagu saabsan, adiga ayuuna ka hadlaa.”

Ronaldo oo dareemay in wiilkiisa uu xishoonayo ayaa ku yiri: "Ha xishoonin hadaba!”

Kabtanka reer Portugal ayaa xalayto markii shanaad ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee FIFA, waana markii labaad ee isku xigta ee uu ku guuleystay abaalmarinta The Best



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip