14-KII OKTOOBAR MAALINTII MADOOBEYD!!

0
Saturday October 21, 2017 - 20:56:14 in Maqaallo by
  • Visits: 947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    14-KII OKTOOBAR MAALINTII MADOOBEYD!!

    MAXAA DOWLADDA IYO SHACABKA SOOMAALIYEEDBA LA GUDBOON!? Waxaa xaqiiqo ah in qof kasta oo Soomaali ah uu baahi weyn u qabo ISBEDDEL laga sameeyo dhinacyada SIYAASADDA, AMNIGA IYO DHAQAALAHABA. Haddana Rubac Qarni iyo ka badan Isbeddelkaas la rabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXAA DOWLADDA IYO SHACABKA SOOMAALIYEEDBA LA GUDBOON!? Waxaa xaqiiqo ah in qof kasta oo Soomaali ah uu baahi weyn u qabo ISBEDDEL laga sameeyo dhinacyada SIYAASADDA, AMNIGA IYO DHAQAALAHABA. Haddana Rubac Qarni iyo ka badan Isbeddelkaas la rabay in la sameeyo sidii la rabay wuu noqon waayay oo waa la gaari waayay, (MAXAY TAHAY SABABTU!?)

Qof kasta oo Siyaasi, Aqoonyahan, Culumaa’udiin, Oday Dhaqameed, Ganacsade, Ruug-caddaa hore iyo Sarkaal soo shaqeeyay haddii aad weydiiso sababta, midba si buu wax kuugu sheegayaa oo sida ay la tahay uguna muuqato ayuu kuugu sharraxayaa, ciladdu inay tahay Siyaasadda gudaha halka qaar ay cilladda ku sheegayaan inay ka timid fara gelinta dowlado shisheeye, balse shacabka oo dhan CADDAALAD-DARRO soo dhacday iyo shaki ay ka qabaan in lagu sameeyo mar kale ayaa muhiim ah oo lagala soo dhex bixi karaa hadalladooda. Haddaba su’aasha labaad waxay tahay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo ganacsatada waaweyn ee maanta ma rabaan in SIYAASADDA, AMNIGA IYO DHAQAALAHABA lagu sameeyo ISBEDDEL Caddaalad ah!? Jawaabta waxaan u daynayaa shacabka iyo inta rabta ISBEDDEL ku dhisan CADDAALAD.

SHACABKA MAXAA LAGUDBOON!?

Shacabka Soomaaliyeed maadama ay rabaan ISBEDDEL ku dhisan Caddaalad, waxaa muhiim ah inay ogaadaan in isbeddelka ay rabaan keliya ay keeni karto Dowlad (HOGGAAN DAACAD AH) oo aysan keeni karin Siyaasi iyo Ganacsade dan gaar ah leh.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa kaloo habboon inay dib u xusuustaan oo ay is-weydiiyaan Dowladdan cusub ee dhalatay ARBACO 8 FEBRAAYO ee loo bixiyay (GUUSHII SHACABKA) sida ay ku timid, cidda sabab u ahayd guushaas iyo dowladihii ka horreeyay sidii ay ku imaan jireen, intaas kaddibna SHACABKA iyaga ayay u taallaa go’aanka ay ka qaadanayaan; inay dowlada la shaqeeyaan si ay guulaysato ISBEDDEL-na u samayso iyo in Rajo beel iyo quus ay ku noolaadaan oo ay qaataan barabogaandada iyo dacaayadda siyaasi iyo ganacsade dan gaar ah leh!.

DOWLADDA MAXAA LA GUDBOON!?

Maalmo ka hor qoraal aan cinwaan uga dhigay; ISBARBARDHIG QARAXII ZOPE IYO AF-GEMBIGII DHICISOOBAY EE TURKIGA ayaan ku sheegay waxa la gudboon dowladda. Keliya waxaan ku dari lahaa sidii ku dhacday dowladihii ka horreeyay inaysan ka baqin fashil ku yimaada oo aysan FADHIID noqon, illeen 4 sano ma badna waqtiguna wuu is gurayaa!, "SIYAASIGII GUUL-DARRO KA BAQA MA GUULAYSTO”, Soomaaliya waxaa ka jirta; "BAABU QOOF HA LOO SHIDO” oo haddii la micneeyo noqonaysa niyad-jebin iyo cabsi gelin. JUG JUG MEESHAADA JOOG” Shacabka wuu iska diiday!.

SABTI 14 Oktoobar maalintii madoobayd ee qaraxii Zope + ARBACO 18 OKTOOBAR isu soo bixii shacabkii careysnaa + JIMCO 20-KA OKTOOBAR Alla-barigii, ducadii iyo is cafintii shacabka + SABTI 21-KA OKTOOBAR maalinta Baarlamaanka oo wakiil ka ah Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda ay u midoobeen la dagaalka AL-SHABAAB iyo dhammaan inta nabadda diiddan waxaan rajaynayaa haddii ay dowladdu dadaasho si kalsooni iyo geesinimo lehna u wajahdo inay guulaysan doonto oo ay ISBEDDEL keeni doonto haddii uu EEBBE idmo.

TALO; Dowladda kalsoonida shacabka way heshay iyada ayayna ARBACO 8-DII FEBRAAYO ku timid, CADDAALAD-DARRO shakiga ay ka qabaan Shacabka Soomaaliyeed dowladda iyadaa laga rabaa inay quluubtooda ka saarto oo ay kalsooni geliso caddaaladna u samayso si dowladdu u guulaysto, shacabkuna u horumaro.

Cabdicasiis Maxamed Xasan (Dhagaweyne)

MAAMULIHII WARGEYSKA AYAAMAHA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip