21-Oktoobar Dhinaca kalena ka fiiri.

0
Saturday October 21, 2017 - 20:42:32 in Maqaallo by
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    21-Oktoobar Dhinaca kalena ka fiiri.

    1-Maanta oo kale 21 oktobar 1969 waxaa dalka ka dhashay kacaan aan dhiig ku daadan, dadkii ugu horeeyay oo uu dhiig ka daadiyo waxa ay ahaayeen isla xubnihii kacaanka. Kacaankii waxa uu ku dhamaaday dhiig badan oo daata.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Maanta oo kale 21 oktobar 1969 waxaa dalka ka dhashay kacaan aan dhiig ku daadan, dadkii ugu horeeyay oo uu dhiig ka daadiyo waxa ay ahaayeen isla xubnihii kacaanka. Kacaankii waxa uu ku dhamaaday dhiig badan oo daata.

Kacaanku waxa uu xukunka kala wareegay dowlad dhisan oo maamul iyo ciidan leh, waxa uu dalka ka tagay iyada oo ayna jirin dowlad dhisan, Hayado maamul iyo ciidan qaran midna, wixii uu qabtay burburkoodii ayuu u sabab noqday, "badduba talaaydeeda waa naqsataa”.



2-Maalmahaan waxaan maqlaa qaraxii Zobe ee 14/10/2017 in uu ahaa soomaalida xasuuqii ugu dhimashada badnaa ee goob kaliya ka dhaca maalin kaliya. Taariikhda fiiri: Aaway dagaalkii Biyamaal iyo talyaaniga ee maalin kaliya lagu dilay dad ka badan 1000 dagaal yahan oo Somali ah. Aaway dagaalkii Abgaalka iyo Talyaanigii ku soo jabay Lafoole, kuna dhaxmaray Xamar ,Aaway dagaalkii Amxaarada oo adeegsanee Boorntu ay Qabiilka Garaha ku xasuuqday .Aaween 400 odayaal dhaqan iyo akhyaar kale isagu jiray ee talyaanigu markab uga qaaday Sh/hoose isaga oo leh Italy ayaa casharo lagu soo siinayaa, kadibna iyaga oo nool badweeynta lagu daadiyay.
Waxaa jira gooba kale oo fara badan oo lagu xasuuqay Somali intaa ka badan, xasuuqu waa badnaa. Fiiri, tii ugu dambeeysay ee dhiigeedu weli qoyan yahay ee xasuuqii WAGALLA -10 Febrayo 1984tii ee wajeer lagu xasuuqay 5000 somali ah goob kaliya.
Xasuuqu ma yareeyne intii xasuuqya nooga dhimatay Dambigooda Alla ha cafiyo. adiguna meeqaad xasuusatay?.

FG: wixii kula qaldan waad iga sixi kartaa, Aragtidaada xor ayaad u tahay ,waana noo muhim.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip